Jacayl U samir Ama Ka
Samir (Sheeko Xiiso badan)
Lamaane calafku isa siiyay ayay qisadani ka hadlaysa, waa
wiil waxbarasho u banbaxay iyo gabadh shaqo iyo axdiga jacaylka isku wada,
duruufo badan ayaa bar bilow ilaa bar dhamaad hadheeyey sheekadan ee akhris
wanaagsan.
Bilawgii hore qoyska inantu
waxay diideen in ay siiyaan inantooda wiilka ay jeceshahay, sababo la xidhiidha
qoyska uu ka soo jeedo waxayna u arkayeen inanka mid aan u qalmin inantooda.
Arrintani ma ay farxad gelin lamaanaha is jecel, waxayna murgisay
xidhoodhkooda. Inantu waxay ku cadho burburtaa wiilka, isna afkiibaa juuqda
gabay oo wuxu ku hadlo ayuu garan la'yahay. Sanado badan ayaa ka soo wareegay,
waxay arrintu sidan ahaatoba, ugu danbayntii wiilkii wuxu dhamaystay
waxbarashadisa, wuxuna go'aansaday inuu sii wato tacliintiisa oo dhamaysto
qaybaha ka hadhay. Isaga oo aan weli dhoofin ayuu maalin maalmaha ka mid ah
telefoon u diray inantii wuxuna u shegay inuu tagayo oo dal kale tacliintiisa
kusoo qaadanayo, wuxu ku yidhi: " waxa aan hubaa jacaylka aan kuu hayo,
hadaad igu raacdona noloshada inta ka dhiman aniga ayaa dusha u ritay. Arrinta
qoyskiinana, ka hadhi mayo oo waxan isku dayayaa inaan bedelo fikradooda. Adna
waxan kaa codsanaya inaad igu garab gasho arrinkaas" Inantiina,
‘hawraarsan' ayay ugu jawabtay.Inankii wuxu ka fekeray sidii uu inanta reerkooda ugu qancin lahaa inay
isu hibeeyaan, jiif iyo joogba waa loogu taag waayay, waqtigu wuu hayaa oo
dhoofkiisa ayaa soo dhow, talo way ka kala yaacsantahay, waxbaa maskaxdiisa ka
dhex guuxaya, habeeno badan ma ledin, hurdo la'aanta waxa ugu biiray feker
badan. Nin habari dhashay hal ma seegi waayee, wixii rag u kaco rabina aqbalo
way rumoobaane, wiilkii wuxu arrinta rog rogaba, wuxu qaatay go'aan ragonimo.
Wuxu is tusay inuu geesinimo yeesho, oo inanta reerkooda sidii xeer ahaan jiray
rag u kaxaysto si loogu soo qanciyo arrinta guurka.Waqtigu wuu hayaa, tolow yaa saacada u yar joojiya, goor
galab ah oo roob barqadii da'ay biyihii iyo daadkii kasoo rogmaday buuruhu weli
dhulka sii qulqulayaan ayaa koox guurti ah oo hab dhaqan iyo xushmad leh oo aad
moodo in loo darbay sida dadka loo qanciyo, erayba erayga uu ka haboonyahayna
odhan og, ayuu inanki ku jiheeyey inanta reerkoodii. Markii madashii la
gaadhay, reer Islaameed warama iyo belo ma ogina lays yidhi, martidiina qol
heersare ah la fadhiisiyay waxa la guda galay hadafkii loo socday, qoladii
guurtidu fariintii dhiibe, odaygii inanta dhalay iyo intii ka agdhowaydna rog
roge taladii, aakhirkiina gudoonay fariintiinii, inantiina waanu idin siinay
ayaa lagu kala tagay, iyo mahad Alla lehe, sharaf iyo ducaanu idinkaga tagnay.Habeenkaa, inankii farxad aan hore loogu arag iyo dhoola
cadayn qurux badan ayuu ku habeensaday. Maalmo kadiba, waxa la guda galay
xafladii meherka, inankii iyo inantiina halkaas bay ku noqdeen ul iyo diirkeed.
Inankii sidii balantu ahayd wuxu u safrayaa dal kale si uu waxbarashadiisa u
sii wato, inantuna shaqadeedii ayay sidii caadada u ahayd ka hawl gashaa. Intii
lakala maqnaa, xidhiidhku ma istaagin, oo waxa la yahay hal bawlaha dhiiga
qaada iyo wadnaha dhiiga qaybiya, telefoon iyo dhambaaloba wixii lagu wada
xidhiidhi karayay waa la joogteeyey. Xaalku wuxu noqday dhoof nooli kulantee,
ha dhantaalin caashaqa dhakhso waan u soo noqon, inkasta oo duruufuu kala
fogeeyeen lamanahan cusub, hadana mid kastaaba dhankiisa ayuu ka ilaaliyay kana
xaq dhawray axdiga dhex yaala.Maalmuhu ways daba socdaanoo, cashadii timaadaba samaan ama dhiilo mid uun
bay sidaa, waxa dhacday inantii oo maalin ku socota xafiiskii ay ka shaqayn
jirtay, ayaa waxa gaadhigeedii jiidhay oo meel isgoys ah kaga soo baxay gaadhi
wayn waxana inantii helay shil aanay filaneyn. Miyir la'aan ayaa u xigay,
waxayna ku war heshay iyadoo cusbitaalka taala oo la hareero joogo. Intii hore
ma rumaysan waxa dhacay oo riyay u haysatay, hase yeeshee markay aragtay
waalidkeed oo garab fadhiya ayay ogaatay inay shil gashay. Hooyadeed oo ilmo
kasoo shagax tidhi ayay indhaha ku kala furtay, hadal ayay isku dayday mise
afkiiba juuqduu gabay. Indhaha ayuunbay dadka ka aragtaa ee carabkiiba hadal
maso celin karo. Waxa ku dhacay af xidhan oo hadalkii ayaa ka xidhmay.
Dhakaatirtu waxay u sheegeen waalidkeeda in jugtii ka gaadhay maskaxdu ay
waxyeeshay qaybtii hadalka.Inantii waxa ku habsaday arrin laga naxo, waxa usoo galay waa cusub oo aan
farxad lahayn, waxay noqotay dhegayso oo ha hadlin, waxay ku gashay mudo badan
oo oohin aamusan ah. Mudo markii lagu hayay cusbitaalkii waxa loo qaaday
gurigooda, laakiinse weli sidii bay u cod la'dahay, oo hadalku uga soo bixi
la'yahay. Waxa aad u dhibay sanqadha ama cida telefoonka marku soo dhacayo, ma
doonayso in wiilkii maqlo sida xaalku noqday, waxay ka cabsoonaysaa in uu
telefoon soo diro oo ay la hadli kari waydo. Inantii talo waxay ku gaadhay inay
warqad u dirto wiilkii, una sheegto inaanay sugi karayn, oo uu fasax ka yahay.
Fariintii markii ay gaadhay wiilkii, amakaag iyo fajaciso aan hore loo arag
ayay ku noqotay, wuxu is waydiiyay waxa soo dersay ee cusub, hase yeeshee
jawaab waafi ah umuu helin weydiimaha ka dhex guuxaya maskaxdiisa. Dhambaalo
hor leh ayuu dabada isugu soo taxay, mase helin wax jawaab ah.. Telefoonka ayuu
soo eersaday, tana waxba uma soo kordhin. Waxa keliya ee inantu samayn karaysay
wuxu ahaa inay oohinta sii wado, ilayn ilmo kaama dhamaato.Waalidkii waxay is tuseen inay meel kale u guuraan bal in ay
kasoo rayso oo ilawdo arrimaha dhacay iyo shilka ay gashay. Deeganka cusub ee
ay usoo diga rogteen, waxa ku yaala dugsi lagu barto luqada faraha layskala
hadlo. Inantiina dugsigaas ayaa lagu daray.Waxay nafteeda ku qancisay inay
ilawdo inankii, oo daadka ku darto warkiisa. Gabadh saaxibadeed ah ayaa u
sheegtay in inankii soo noqday, kuye, ha u sheegin arrinkayga oo iska ilow
ninkaas.Sanad ayaa ka soo wareegay,
gabadhii saaxibadeed ayaa maalin loo keenay kaadh casuumad aroos ah, mise maba
laha iyadu ee waxay ku socotaa inanta hadalku ka xidhmay. Warqadii markii ay
furtay inantii shilku helay iyada oo gariiraysa oo yaaban tolow waa ayo tan uu
guursaday wiilkii, waxaba kaga soo baxay inantii warqadii wax la yaab leh,
tolow waa maxay? Waa yaabka yaabkiise, inantii waxay ku aragtay kaadhka casuumada
arooska magaceeda oo ku daba yaala magaca wiilkii. Inankii wuxu ogaaday wixii
dhacay, wuxuna gaadhi u soo kaxaystay guriga cusub ee inantu joogtay, iyada oo
labadii hablood iswaydiinayaan waxa ay tahay warqadu iyo sida wax u jiraan ayuu
guriga hortiisa gaadhigii ku bakhtiiyay. Albaabka ayuu deg deg u soo garaacay
waana laga furay, waxana uu markiiba dalbaday in la tuso qolka ay ku jirto
inantu. Markuu so galay qolkii ayuu faraha ka hadlay, isaga oo leh, mudo sanad
ah ayaan soo bartay luqada faraha ama calaamadaha, waxanse kuu sheegayaa
inaanan anigu marnaba ku ilaawin wax kasta oo kugu dhacayba,ii ogolow inaan
noqdo codka aad ku hadlayso, waanan ku jecelahay. Waxa xigay fargalkii oo uu
farta u galiyay, iyo dhoolacadayn qurux badan oo inantu ku jawabtay. Sidaas
bayna ku noqdeen kuwii hodmee hoy wada galee isku waara abid." Samraa
sedkii hela Daahir waxaa uu ahaa arday
weli dhex-dabbaalanaya waxbarashadii Dugsiga dhexe,walow uu qaan-gaar ahaa.
Xaafaddii "Anzaloti" ee markii dambana loo bixiyay Waaberi, ayay
reerkoodu degganaayeen, oo uu isaguna ka dhigan jiray Dugsiga.Daahir reerkoodu waxay ahaayeen Beeraley,Xoola-dhaqato iyo
Farsama-yaqaanno isku wada-dhafan. Degmada Afgooye, oo ay asal-ahaan ka soo
jeedeen,waxaa ay ku lahaayeen Beer,taas oo ay ka soo goosan jireen Dalag iyo
miro isugu jira:-Galley,Sisin, Lows, Yaanyo, Babaay, Canuuni, Seytuun iwm.Aqalka "Anzaloti-na" waxaa ugu xirnaa oo ay ku
dhaqanayeen 3 - 4 Sacaad (Lo') iyo Weylahood iyo weliba 3 - 4 Riyood oo
Ari-Carbeed ahaa. Dhaqaalahooda labadaas dhinac ku dhisnaa waxaa u weheliyay
reerka farsamo-yaqaannimo xagga dhismaha ah,markii la helo Mashruuc laga
fara-qabsan karo.Daahir wuxuu ahaa ruuxa kaliya
ee waxbarasho ku hawlanaa marka la eego reerka oo dhan. Si gaar ah ayaa loogu
roonaanayay loona tixgelinayay; waayo ku-lug-lahaanshaha xeyndaabka aqooneed ka
sokow, waxaa uu lahaa Akhlaaq aad u sarreysa, oo ka shidaal-qaadaneysay xagga
duruusta diineed. Xitaa Aabbihiis "Dikriyow" ayuu fiidyadii gacan ku
siin jiray qorista Qasiidooyin ku aroorayay dariiqada Qaadiriyada. Taas oo ay
reerka oo dhammi aad ugu xirnaayeen.Yaraantiisii Daahir, laba jeer ayaa loo kaxeeyay Tuulada Biyooley ee
Gobolka Bakool, halka lagu Ziyaarto Sheekh-Aweys Dheere Al-Qaadiri, ee uu
Qabrigiisuna ku yaallo.Wax badan ayuu Daahir kula
luuqeeyay Aabbihiis-Dikriyow Qasiidooyin ay ka mid ahaayeen:-"Weliyu-lah,
Weliyu-llah Uweys-Axmed Weliyu-llah", "Yaa-Rabbi salli
calaa-Muxamad,Nebiyunaa ashraful-anaami" iyo kuwa kale oo badan oo uu aad
u xifdisnaa Odaygu.Sida ay dad badani la socdaan,
hareeraha magaalada Muqdisha, waxaa ku yiil dhulal waaweyn oo daaqsin
ahaa,kuwaas oo loo yaqaanno Goofaf. Xitaa Muqdisha lafteeda ayaa markeedii
hore,badankeed ka koobnaan jirtay "Goofaf"; gaar ahaan degmooyinka haatan
loo
yaqaan:-Kaaraan,Yaaqshiid,Heliwaa(Huriwaa),Hawlwadaag,Hodan,Wadajir,Dharkeenley
iwm.Waxaa iyaguna jiray Xaafado
Buushash ahaa (Bac,Baraako, Baako, Buul) oo gudaha iyo daafaha magaalada ku
yiil; waxaana Buulooyinkaas ka mid ahaa:-Buulo-Mashiidiyo,Buulo-Xaashi,Buulo-Xuubey,Buulo-Waraabe(Cada-juuje),Buulo-Mugdi
iyo kuwa kale oo isku-raran ahaa.Buushashkaas, waxaa markii dambe wada burburisay,dib u dejinna u samaysay
Dawladdii Kacaanka. Waxaa la isugu wada-geeyay deegaanka Madiina, waxaana loo
bixiyay "Degmada Wadajir", oo uu micnuhu yahay Midowgii Buushashleyda.Intaan la rarin Buushashkaas ka-hor,qaar ka mid ahaa dadkii
reer Muqdisha, ayaa waxaa ay bilaabeen in ay dhulal iyo boosas macmal ahaa oo
aan cabbirnayn(Obosibo),inay ka qabsadaan oo ka iibsadaan Odayaashii Goofleyda
ahaa.Tallaabadaas waxaa ay dadka
qaarkood ku dhaqaaqeen ka-gadaal markii ay maqleen in meelahaas loo cabbiri
doono,lana dejin doono Obosibooyinka Muqdisha. Boos-qabsi iyo wax-badsi ayay
ula jeedeen dadku.Qoyska reer-Dikriyow waxaa ay ka
mid ahaayeen dadkaas dhulalka ka iibsaday,waxna ka degay Goofafkaas duleedka
Muqdisha. Halkaas ayay deegaameysteen oo dhex-galeen dadkii Lo'leyda ahaa ee
Goofafkana asal-ahaan lahaa,walow ay adkayd in ay Goofleyda ku dhex-milmaan,
sababo iska-jiray awgood.Laakin Daahir iyo qaar ka mid ahaa walaalihiisii waaweynaa, waxaa ay ku
hareen Aqalkii "Anzaloti",sababtuna waxay ahayd: In aan Aqalkaas la
baylihin(dayicin) iyo Daahir oo uu dugsigu meesha uga dhowaa. Waxaa loogu
tala-galay in uu isagu la noolaado,hooyo ahaanna u dugsado Dumaashidiis.Reer-Dikriyow intoodii degtay dhulkii Goofka ahaa,waxaa ay
halkaas deris kula noqdeen Reerkii Lo'layda ahaa, ee asal-ahaanna iyagu lahaa
Goofkaas. Qoyska Lo'layda ayaa waxaa uu ka koobnaa laba qaybood:- Oday
Duub-weyne iyo labadiisii hablood ee xaasaska ahaa,waxay degganaayeen dhinac.
Habar-Deynaba iyo gabadheeda Deeqa ahna, geestooda ayay u noolaayeen,kuna
heysteen Lo' tobaneeyo neef ka koobnayd.Oday Duub-weyne iyo Habar-Deynaba,waxaa ay is-fureen oo kala tageen
tobaneeyo sano ka-hor waqtigaas. Haddana sidaas oo ay ahayd, waxaa ay ku kala
noolaayeen Baraako iyo Aqal-Somaali dhinaca isku hayay, waxna iskuma ay darsan
jirin,xitaa hadal iyo salaanba ha ahaatee..!!Daahir, Jimcayaashii iyo maalmaha fasaxa ee dugsiga ayuu imaan jiray
deegaanka cusub ee "Goofka",soona booqan jiray waalidkiis. Dadkii ugu
horreeyay ee ay ishiisu ku dhacdayna waxaa ka mid ahaa "Deeqa" oo
iyadu ahayd gabar markaas soo qaan-gaartay,naasuhu u soo baxeen,weji
furan,midab dahabi ahna lahayd.Markii kasta ee uu Daahir yimaado Deegaanka
Goofka, waxaa uu halkaas ku sugnaanayay muddada u dhexeysa galabyada Khamiista
ilaa Jimcayaasha gelinnada dambe.Dooggii halkaas ka baxayay,Neecaawdii udgoonayd , Saxan-saxada
xilli-roobaadyada iyo dhulkii cusbaa ee ay Lo'du daaqeysay ayuu ku
hawa-geddisanayay, aadna uga helayay.Meel hoos ah(har leh), ayuu la fariisan jiray Buugaagtiisa,kuna daalacan
jiray hadba Casharrada hor-yaal ama ay Imtixaannadoodu ku soo fool-leeyihiin.Dhulweynaha Goofka ah, ee hortiisa ahaana, waxaa Casarkii la
arkaba Lo' ku ilaalin jiray Habar-Deynaba iyo Gabadheedii Deeqa ahayd,ee uu
isagu sida gaarka ah indhaha ugu hayay.Meel aan iyaga ka fogaynna,waxaa Tusbax la fadhiyi jiray,kuna
subxaanalaysan jiray Oday-Dikriyow,kaas oo badanaaba ku luuqayn jiray Qasiiddo
uu si gaar ah u jeclaa,oo ahayd:-"Axmad Nabi-Muxamad,yaa
shaaficul-Qiyaama".Habar-Deynaba,waxay mar-mar
soo ag-fadhiisan jirtay, si qaddarin lehna,laabta ugu heysay Oday-Dikriyow.
Waxay badanaaba is-weydaarsan jireen sheekooyin iyo isu xog-warran la
xiriira:Dhaqanka Soomaalida,Dhaqashada Lo'da, Qaabka nololeed ee deegaanka
Goofafka iyo arrimo kale.Saacado aanan yarayn, oo laga shakiyi karayo, ayay Odayga iyo Habartu is
ag-fadhiyi jireen, hadalkana isu-jiibin jireen. Deynaba waxay ahayd habar ay
da'deedu kor u dhaaftay 60-sano,laakin muddo ayay soo ahayd Garoob,subax iyo
galabba Caano lo'aad cabta oo iska barwaaqaysan,isagana baahan Oday asaaggeed
ah oo ay weysada ku dhowrato,fiidyadiina la buneysato.Docda kale,Dikriyow, isagu waa uu iska soo laab-laabay guursi
qof 2-aad iyo khudba-sireedsi,horuuna uga soo daalay,laakin Xaaskiisa
"Deggan" ayaa xoogaa dhibsatay habartan uu galab kastaa ag-fadhiyo. Shaki aan buurnayn iyo Maseyr khafiif ah ayaa galay Deggan,waxayse isku
xakamaysay xusuusta Murtida Soomaaliyeed ee ah:-"War jiraaba Cakaaruu
iman" iyo "Gurbaan Ninkii xada,waxaa la rabaa meeshii uu ku garaaci
lahaa"...!!.Xaqiiqadu waxaa ay ahayd in ay
Habar-Deynaba hoos ahaan u jeclayd Oday-Dikriyow,laakin marka la eego
duruufihii qallafsanaa ee deegaanka yaallay, ma ayan ahayn labadaasu kuwa isla
saan-qaadi karayay. Waxaa hor-tiil murtida ah:-"Af waa kuh,maay liki
aamee". Habar-Deynaba,waxay bilowday in ay Daahir ka codsato inuu
Deeqa la ilaaliyo Lo'da, oo kula soo celiyo meel Doog ahayd.Waxay dhihi
jirtay:-"Maandhow,aan kuu duceeyee, orod oo muluqdaas facaa ah, la soo
celi Lo'da".Waxay habartu sidaas u
yeelaysay, inuu Daahir ka ag-fogaado Duqa iyo Duqda,dhegahana u raaricin
hadalkooda,kaas oo ay khatari ka imaan karto,iyaduna ay markaas fursad fiican u
hesho la sii sheekeysiga Oday-Dikriyow.Dhanka kale, Daahir laftiisu,waaba uu u baahnaa, oo aad u rabay in wax
loogu daro oo lagu lammaaniyo Deeqa. Aad buu ugu oomanaa inuu la sheekaysigeeda
u helo fursad fiican, oo aan lagu ciriirinayn,raallina looga yahay.Aad ayuu Daahir ugu farxay in ay Habar-Deynaba gees ula baxdo
Oday-Dikriyow,isaga Daahir ahna dhanka kale la aado Muluqda-Deeqa ah.Qeybta kale hoos ka. Ilaahey amarkiis, Daahir isagoo markiisii horaba isha
hoos-ahaan ugu xadayay Deeqa,ayaa haddana hawl la isaga raalli yahay laysugu
daray labadooda.Niyadda ayuu kaga luuqayn jiray heestii ahayd: -"Deeqoy
dabac wanaagey,dembiba taan lahayney,dadkana taan ka doortaay,kuma deyn
karaayee,xaggeen kaa deyaa"?Daahir si deg-deg ah ayuu u dhaqaaqay, oo Lo'dii ula soo celiyay
Deeqa,isaga oo kula soo hagaajiyay meel Doog ahayd oo dhanka Woqooyi kaga
aaddanayd Goofka. Waxay labadoodii wada fariisteen goob ay ka wada arki
karayeen Lo'dii daaqeysay, xoogaana ka fogayd bartii ay ku sugnaayeen
habar-Deynaba iyo Oday-Dikriyow.Waxaa Daahir iyo Deeqa dhex-maray sheeko bilow ahayd, oo u dhacday sida
soo socota:-Daahir:- Abbaayo, horta adigu
maalin kasta miyaad hooyadaa soo wada-raacdaan Lo'da ?Deeqa:- Maalinna keligeed ayaa soo raacda,marna
keligay,mararka qaarkoodna waan soo wada kaxaynaa Lo'da..Daahir:- Maalmaha aadan adigu soo raacin hooyo,xaggeed aaddaa
?. Ma Dugsi ayaad dhigataa ?Deeqa:- Guriga ayaan iska joogaa,meel ma aado,Dugsina ma dhigto,oo weligey
layma geyn meel aan wax ka barto.Qaddar daqiiqado ah ayay kala aamuseen, oo uu midba ku maqnaa kan
kale,kana fekerayay,ka-dibna waxay sii wateen wada-hadalkii oo u dhacay sidan:-Deeqa:- Aboowe,maxaa dhacay oo aad adigu halkan u soo degi
weyday,ulana noolaan weyday waalidkaa ?!!.Daahir:- Taas weli kuma aan fekerin,halkanna wey ka fog tahay Dugsiga aan
dhigto...waanse eegi doonaa, hadii Alla idmo.Deeqa:- Wallaahi Abow(Eebow),waxaa fiicnaan lahayd in aad halkan soo
degtid,wax baad i bari lahayd,buugaagtaan ayaad ii akhriyi lahayd.Deeqa intaas kuma ay ekaannina, durba waxaa ay soo dhufatay
mid ka mid ahaa buugaagtii Daahir,waxayna tiri:-"Hadda ii bilow oo ii
akhri buugaan,muxuu ka hadlayaa,ii sharrax".Aad ayuu ugu farxay Daahir in ay Deeqa ku soo dhowaatay,farahana la gashay
Buugaagtiisa, gacmahooduna ay is-dhaaf-dhaafayaan. Dhegihiisa waxaa ka yeerayay
Heestii:- "Daahir Aramidaadii....Deeqa Aroor san weeyee...!!".Laabta ayaa u furantay Daahir markii uu arkay Deeqa oo ku
keen-keentay. Waxay arrintanu la micna ahayd :- "Araggaagu waa ii
abshir,...adna iimaankaad deeqdaa...Ubax sidiisii udgoonow, aragtidaadaa i
deeqdee"...Buuggii ay soo dhifatay Deeqa
wuxuu ahaa "Saaynis",dersiga kowaad ayuuna bilaabay Daahir in uu
sharraxo, kaas oo ku saabsanaa "Habka Dheef-shiidka".Intii uu Daahir sida xariifnimada ah u sharraxayay Dersiga ,
si toos ah ayay u soo hor-fadhiday, u eegaysay,ugana helaysay Aqoonta iyo
fariidnimada Daahir. Isaguna wuu isa sii muujinayay oo hadba bixinayay
tusaalooyin mowduuca la xiriira, sidii macallin takhasus gaar ah u leh maaddada
oo kale.La soco qaybaha dambe... Daahir xariifnimadii uu ku soo hor ban-dhigay Deeqa, waxaa ay
dugsanayd "Dhal-magaalnimo". Anzaloti ayuu ku soo dhex-barbaaray,
indhahana ku soo kala qaaday. Wuxuu marar aanan yarayn iyo xilliyo kala
geddisan daawaday Aflaam Carabi,Hindi iyo "Cow-boy"-ba isugu jiray.
Kuwaas oo uu ku fiirsaday Seneemooyinkii Ceel-gaab, Banaadir,Xamar,Afrika iyo
kuwa kale.Khibrad aan la dheyelsan
karayn ayuu kasbaday. Weliba Aflaamtii Hindiga iyo kuwii Talyaaniga ahaa ee uu
hore u galay, wuxuu ka soo minguuriyay xarakaad ku saabsanaa habka isku
dhisidda hablaha iyo garba-ruxid. Hadba erayga "saas waaye noo" ayuu
Daahir Carrabka ku adkaynayay.Dhankaas ka sokow,Daahir waxaa uu ka mid ahaa "Ciyaal-Iskuulkii"
Muqdisha. Maamul,Macallimiin(Soomaali iyo Masaari), arday tira badan oo Wiilal
iyo Gabdhaba lahaa, kana soo kala jeeday dhammaan Gobollada dalka, ayuu Daahir
wax la soo qaybsaday,kana soo dhex-kasbaday qaab dhaqan-bulsho oo lagu hagayo
aqoon, loona tix-raacayo Ilbaxnimo iyo Xadaarad.Culimada xagga Cilmu-nafsiga,waxaa ay aad u bogaadiyaan kaalinta
barbaarineed iyo bulshadeed ee da'da soo koraysa, oo ay wax kaga faa'iideysan
karayaan bulshooyinka ay ku dhex nool yihiin ee Qoyska,Xaafadda,Dugsiga,Suuqa
iwm.Goobahaasu, waxaa ay lagama maarmaan u yihiin barbaarinta shakhsiyadda
qofka soo koraya.Dhinaca kale, markii la eego
Gabadha Deeqa ah,waxay iyadu ku dhalatay, ku dhex-barbaartay, oo aaney dhanna
uga bixin isla-goofkaas ay hadda reerkooda kula nooshahay.Markii ugu badnayd ayay Suuqyada Muqdisha kuwa ka mid ahi,
adeegasho darteed ugu raacday walaalaheed; waxayna marar aan tira yarayn ka soo
dukaameysteen Suuqyada ay ka mid yihiin:-Balabaladii
xamar-weyne(afar-irdood),Siigaale(Hodan),Bakaaraha, iyo kuwa kale.Saacadaha ay Deeqa joogto Aqalkooda, waxaa hawlaha guriga u
weheliyay ,oo ay aad u jeclayd Dhegeysiga Raadiyaha. Waxay aad u danayn jirtay
Heeso Jacayl ahaa, oo laga sii deyn jiray Raadiyo Muqdisho, sida:-"Kii
dhab ah Jacaylkuba","Baar-baxay(Alam dheh,alam gariir
dheh)","Gufaaco" iwm.Waxaa kaloo jiray Heeso waddani ahaa oo ay jeclayd Deeqa,sida mid ay
mirahiisu ka mid ahaayeen:-"NFD-dhulkaygow, dhinaca Jabbuuti,dhulka laysku
heysto, ee dhaxal wareegay. Inaan dagaal ku galo oo dhiig ku qubo, ayaan ku
dhaartay". Xitaa iyada oo Lo'da la joogta oo raacaysa ayay ku luuqayn
jirtay mirahaas dhaxalgalka ah. Marar badan ayay Deeqa iyo hooyadeed Habar-Deynaba, si
wadajir ah u dhagaysan jireen,xiiseynayeenna Barnaamijyo ka mid ahaa,kuwii ka
bixi jiray Radio Mogadisho,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:- "Wax-is-weydiin
ma xumee,wax-is-weydaaris baa daran","Magaala-joog-xumo",",
Miyi iyo Magaalo iyo kuwa kale oo ay gabadha iyo Hooyadeedba ka faa'iideysan
jireen,waxna ka kororsan jireen. Waxaa kale oo jiray waqtiyo ay Deeqa Aqalkiisa ku booqan
jirtay Aabbaheed Oday-Duub-weyne,oo ay Raadiyaha la dhegaysan jirtay Odayga,
iyadoo isla markaasna ka jar-jari jirtay Ciddiyaha,Garkana u cillaameyn jirtay.Oday-Duub-weyne, waxaa uu isagu jeclaa dhegeysiga gabayadii:
-Cabdulle Raage, Cali Cilmi Af-yare iyo Jimcaale Dhega-taag. Wuxuu kaloo Odaygu
aad ugu raaricin jiray dhegaha Saarkii Carays Ciise Kaarshe, siiba marka uu
leeyahay:-"Minyaradii oo maseyrtay,Min-weyntiina ay maslixi, mas'alo weeye
aanan maqal. Nin uu Malaggiisu galay, Marruhu Mowd waa ka celin, mas'alo weeye
aanan maqal", iwm. Arrimahaas ayay Deeqa iyo labadeedii waalidba danayn
jireen,waxna kala bixi jireen; Laakinse Aflaam la daawado,Waxbarasho,
Socdaallo, Dalxiis, Tamashle iyo arrimaha la midka ah shaqo kuma ay lahayn
Deeqa.Si kastaaba qaab-nololeedka,
deegaanka bulshadeed iyo fikradaha waaya-aragnimo ee Daahir iyo Deeqa ha u kala
geddisnaadeene, haddana Dabeecad-ahaan iyo habka dad la dhaqanka ayay labadoodu
iska soo jiidanayeen, iska-xiiseynayeen oo weliba iska helayeen...!!.Waxaa Carrabka lagu adkayn karay, oo la dhihi karay Deeqa iyo
Daahir waa ay is-jeclaadeen ,da'dooduba ha yaraatee,illayn Jacaylku cidna ma
daayee....!!... Si kastaba arrintu ha ahaatee,Daahir iyo Deeqa muddo ka-dib,
waa ay isu sii kal iyo laab furnaadeen; xod-xodasho ayayna hoos isugu dhigeen,
iyadoo aanan lagu dhawaaqeyn erayga ah:"Waan ku jeclahay"(I love you),
kaas oo ay dhallinyarada waayadan dambe, si aan ka fiirsi iyo nuxur lahayn
iskala soo boodaan.Hees Banaadiri ah, ayaa waxay
lahayd:-"Waan ku arkay, waan ku caashaqay,aad waddaa, ma kaa
ajiibaayi". Waxay u gudbeen in ay isla meel-dhigaan qodob muhim u ah:
habka iyo qaabka is-aragga iyo hannaanka wada-socodka.Kaas oo ay dooddiisu u dhacday sida soo socota:- Deeqa:-
"Aboowe, wax baan kaa codsanayaa, ee ma iga yeelaysaa, oo ma
fulinaysaa"? Daahir:- Wixii aan adiga kaa diido, ma cid kale oo aan ka
yeelayo, ayaaba jirta hee...? See camalkaa ..?!!.Deeqa:- Waxaan rabaa: in maalin kasta, saacadaha Dugsiga ka-dib, aad toos
joogto u timaadid halkan, si aan isula raacno Lo'da, wax ii bartid, kuu
weheshado, una sheekaysanno; waayo, anigu cid aan adiga ahayn lama lihi xiriir
gaar ah, waxna kuma darsado, xitaa hooyadey-Deynaba waa og-tahay taas,si aan
toos ahayn ayayna u bogaadisaa...Daahir:- Waa yahaye, markii aan halkan imaado casaryadii, goorma ayaan
markaas anigu wax akhrisanayaa, oo haddana dib ugu laabanayaa Anzaloti; taas oo
u baahan 2-saac oo sii-socod iyo soo-socod ah; walow aan aniguba jeclaan lahaa
in aan mar kasta ku ag-joogo.Deeqa:- Waa tahaye, halkan u soo wareeg, oo kaba
soo guur Anzaloti.Halkan uga kallah Dugsiga.
Horta ma og-tahay Aboowe, in aanan marna ku arkin adiga oo gashan dharkii
Dugsiga,wata buugaagtaadii, una sii socda xaggii Iskoolka...?!!.Daahir:-
Yaaqaay, meeshaan mugdi waaye, nal ma leh cawadii(habeenkii); Imtixannana waa
igu soo dhow yihiin. Ma waxaad isugu-key daraysaa Nal la'aan habeenkii ah iyo
kallahaad Subaxyadii ah..?!!.Deeqa:- (Iyada oo dhoolla-caddaynaysa)- mar haddii aan anigu ku
hor-fadhiyo, ma nal baad u baahnaaneysaa ?!!. Eebow anaa nal kaaga nuur
badan...sax ma ahoo warkaas ?haa dheh...Daahir:- Hadda ma soo guurayo ee kow
dheh,laakin, waxaan kuu ballan-qaadayaa; inta uu dhammaanayo
sannad-dugsiyeedka, inaan galab kastaa imaanayo halkan, fiidyadiina dib u
noqonayo, dhib kastaba ha igu ahaatee.warkaagaa ila weyn. Deeqa:- "Ma xuma, laakin, tallaabadaas ka bilow
berri oo Sabti ah, Casarka dheerna aan ku arko adigoo soo kush-kush leh.. soona
hor-mar aqalkeenna, si aan ula socdo imaatinkaaga ,oo aan markaas aniguna Oodda
uga soo qaado Lo'da,kuuna soo daba-galo. Sidaas sow shax-shax ma aha" ? Daahir:- Waa shax-shax iyo Sharuur Caana leh, laakin, sow ma joogto
hooyadaa-Deynaba,sow kuma soo daba-galayso ? sow ilkur nagu noqon
mayso...?!!Deeqa:- Micna ma leh, waxaan dhahaayaa; iska joog hooyo, anigaa
Lo'da ku filane...haddiise ay diiddo, waa caadi iyadu, sidey u soo socoto ayay
iska ag-fadhiisanaysaa Aabbahaa Adeer-Dikriyow, sheekadiisey ka heshaa..Aniga iyo Adigu, sidii aan yeeli jirnay, Lo'da ayaan xoogaa
celcelinaynaa, ka-dibna, waxaan fariisanaynaa meel Duqa iyo Duqda xoogaa ka
fog, oo ayan na maqlayn wixii aan isu sheegeyno...sidaas waadba ogtahaye,
maxaad isu yeel-yeelaysaa Daahir ?!!Daahir:- Fikraddaadu ma xuma, laakin ogow
soc-socodka faraha badan in aan ku daalayo. Teeda kale, dadku ma aha dabbaal,
waa ay na fahmayaan in aan isku farqa-xirannay..Deeqa:-(Iyada oo dhoolla-caddaynaysa), micna ma leh taas aboowe, haddii
loo baahdo, mar kastoo aad timaadid Goofka, Lugaha ayaan kuu tuutuujinayaa,
markii aad fiidyadii laabaneysidna, waxaan ku cabsiinayaa Haruub Caana Lo'aad
ah oo kulul...ka warran hee warkaas ?!!Daahir:- Yaaqaay naga dhaaf hee, ha nagu
bafuufinnine, lugo
iima tuutuujineyside, iimaanka ha iga soo ridin.Deeqa:- Ha igu bafuufinnin aad i tiri miyaa ? Waa beentaa aad ka waddaa ma
ahoo ?. Waa ogahay Bafuufis, waa warkii reer Anzaloti. Iyaga ayaa yaqaanna
warar hoos laysaga dhiibo. Waxaana jira kalmado badan oo ay isticmaalaan Reer
Anzaloti, Reer Bilaajo(Shibis), reer Shangaanni, Reer Boordheere iyo Reer
Xamar-weyne. Annagu waxaan nahay Goofley, warkaayna waa cad-cad yahay, war
maldahanna kuma hadalno.Daahir:- Waaba aad igu
keen-keentaye, maxaa ka mid ah Erayada ujeeddada kale leh, ee ay ku hadlaan
dadka deggan Xaafadaha aad sheegtay ?!!.Deeqa:- Erayada aan ka maqlo dadka
Xaafadahaas, markii aan Suuqyada isugu tagno, waxaa ka mid ah:-"Qob Moos
aad ii dhigtay","Waa ii gembisay","Waa kaa haayaa","I
mooti","waa u sheegeynaa","Baska dambe soo
raac","Sakiin liq" iyo erayo kale oo tira badan, aanse anigu
fahmayn, inta badan, laakin aan ogahay in wax lagu hoos wado..Sabtidii ugu horraysay ayaa la
gaaray; Daahir Dugsigii ayuu ka soo rawaxay; degdeg ayuuna u qadeeyay,
dabadeedna, waxaa uu u qalab-qaatay inuu u soo dhaqaaqo xaggii Deegaanka
Goofka,isagoo fulinaya ballantii ay kala galeen Abaayo-Deeqa.Dumaashidiis "Dowlaay", oo uu Anzaloti kula noolaa,
ayaa weydiisay halka uu u qalab-qaatay Duhurnimada...!!. Wuxuu ugu jawaabay in
wixii hadda ka dambeeya, uu galab kastaa aadayo Goofka,sababtuna tahay : inuu
halkaas wax ku akhrisanayo, hawadeeda wanaagsan darteed.Dowlaay, waxay ahayd qof bisil oo waaya-arag ah, waxay
Dumaashigeeda yar si kaftan-dhabla ah ugu tiri:-"Waxaan u mudaa in aad
geber facaa eh, meeshaaseey ku soo aragtay, ani mukuu bogin beryahaan".Sidii uu u soo kush-kush lahaa, ayuu Daahir soo gaaray
Goofkii. Wuxuu soo hormaray Aqalkii Deeqa, oo waddada ka saarnaa dhanka bidix.Si taxaddar leh ayuu u jalleecay dhankii bidix, waxayna
Indhaha isku dhifteen, si kal-gacal lehna isugu dhoolla-caddeeyeen Deeqa, oo
fadhiday bartamaha daaradda(Deyrka), indhahana si aan nibirsi lahayn ugu heysay
Albaabka, sugaysayna soo maridda Daahir.Daahir wuxuu isaga sii gudbay dhankii aqalkooda, waalidiintiisuu salaamay,
kana dhaadhiciyay inuu galab kasta imanayo oo halkan hawada wanaagsan wax ku
akhrisanayo.Deeqa inta ay degdeg u gashay
Moorada, ayay Oodda ka soo qaaday Lo'dii, soona daba-gashay Daahir; ka-dib
markii ay Lo'dii ku sii deysay Goofkana, waxay fariisatay halkii ay Daahir wada
sal-dhigan jireen, isagana meeshii buu ugu yimid; waxayna arrintoodu ahayd:
"Ballantii aan dhigannaba, weligaa ha beeneyn, barashadii kal-gacalkuna,
bilaash yaaney kula noqon".Waxay salaan ka-dib, Deeqa ka soo saartay Kiish ay wadday, 30-neeyo xabbo
oo Murcood (Murcut) ahaa,kaas oo si lixaad leh uga baxa hareeraha Goofka iyo
weliba dhowr laamood oo Caday ah, dabadeedna waxaa iyada iyo daahir dhex-maray
sheekadan:-Deeqa:- Aboowe, Murcoodkaan
iyo Cadaygaan, saakay ayaan soo guray, adigaan kuugu tala-galay ee arag hee...Daahir:- Hay,Hay,Hay, Murcoodkaan camal, waxaan ka soo gadan
jiray Suuqa Anzaloti,5-tii xabbo waxaa layga siin jiray taano, 10-kiina
kumi,isagoo weliba dhanaan ah.Deeqa:- Kan ma aha nooca dhanaanka ah; wuxuu ka baxaa darafyada
Goobkeennan. Hadda xilligiisaa lagu jiraa, si xad-dhaaf ah ayuuna noogu baxay.
Islaan Ayeydeey ah ayaa Suuqyada u iibgeysa, oo xoogaa ka hesha, cid kale oo daneysa
maba lihin. Haddaan waayo hore isbaran lahayn, waxaan kuugu keeni lahaa
Anzaloti(iyadoo qosleysa).Daahir:- Laakin abaayo, waxaad tiri:- "Dhanaan ma aha Murcoodkan ee
waa macaan, see ku ogaatay, ma soo dhedhemisay ?"!!.Deeqa:-(Iyadoo qosol la dhacday)- sidee loo soo dhedheminayaa
!!.Ma Maraq dabka saaran baa, mase waa Bariis ?Daahir:- Laakin see ku ogaatey hee, ii caddeey ?Deeqa:-Annagu marka aan aragno Geedka horaan ka fahmeynaa,
muuqaalka guud ayaan garan karnaa, annagoon dhedhemin. Waan ku dhex-dhalannay
oo ku dhex-barbaarnay Deegaanka iyo Geedahaba.Daahir:- Caday fiicanna waad ii kentay Abaayo,waad mahadsan tahay.Deeqa:- Haa isagana hareeraha Goofkuu ka baxaa. Waan ogahay
in ay ilkahaagu cad-cad yihiin, laakin, ku sii cadayo, runtana waad sheegtaa.
Waxaa la yiri:-"Afkaaga run baa la baraa, Rumayna waa loogu daraa".
Aboowe, maahmaahdaas weligaa ma maqashay ?
Sidaas hab-samida ah ayay Daahir iyo Deeqa isula sii qabsadeen. Hannaanka
wada-socodkooda, Ilaalinta ballamadooda, wada-sheekeysigooda, Wax
isu-haddiyeyntooda iyo Aqoon kala kororsigooda, dhammaan waxay ku dhisnaayeen
Run, Niyad-sami iyo Isu-dhoolla-caddayn laabta ka imaaneysay, oo ayan dhagari
ku jirin.Waxaa ka dhinnaa, qarkana ay
isula saarnaayeen, inay isugu luuqeeyaan:-"Caashaqii ku dhega-tira, Afka
lagama dhowro", "Waxaan dhugaa Dhawaaqaaga Beeraha
dhexdooda","Wixii aan dhedhemiyaa, waa ii dhanaan yihiin" iwm.
Oday-Dikriyow iyo Habar-Deynaba, intaas waa ay arkayeen, ka ag-dhowaayeen, oo
isha la raacayeen xirirkaas hadba sii xidideysanayay ee Daahir iyo ka dhaxeeyay
Deeqa.Jacaylka labada dhallinyaro,
wuxuu ka yimid dhanka Daahir, gabadhana waa uu ku siqay oo saameeyay. Laakin
jacaylkii ay duqdu u qabtay Oday-Dikriyow, iyada un buu ku keli ahaa. Waxayna
hadba isku dayeysay in ay ku tallaasho Odayga gaamuray ,ee hore u soo qaatay
waqtigiisii. Duqdu, waa ay taxaddareysay, si ayan u qabsan wixii ay
"Magool" ka muujisay Calaacalka, ee ay ka tiri:-"Armuu i diidaa,
i-deyriyaa oon ku daalaa;Armaan darxumo iyo dhib doontaayoon dekaamaa; dabadeed
noqdaa doqontii cidlada ka dabbaal-degeysay"..!! Galab ka mid ahayd galabyada, ayay iyaga oo sidii caadiga u ahayd isu
ag-fadhiya Deynaba iyo Diktiyow,markaasna ayan Deeqa iyo Daahir sidaas uga
ag-fogeyn,;ayay Habr-Deynaba, iyada oo Qiiqa isku qarineysa, fureysana Albaab
ay u dan-lahayd, ku soo hadal-qaadday Dikriyow xiriirka labada dhallinyaro, ee
sii kobcaya. Wuxuuna wada-hadalku u dhacay sida hoos ku qoran:-
Habar-Deynaba:-Oday-Dikriyoobow, waad aragtaa, sida ay Wiilkaaga Daahir ah iyo
Gabadheyda Deeqa ah, ay isula qabsadeen, isu-fahmeen, isugu laab furan yihiin,
oo ay galab kashaataa(kasta), hoosta isaga jiraan. Ka warraan hee haddaan u sii
dhameystirno, oo isu dhisno..? Oday-Dikriyow:- Habar-Deynabaay, Ilaaheey wuxuu
yiri:-"Maxaad ugu qowleysaan(hadleysaan), wax aydaan
sameynayn"...Marka iga dhaaf Warkaas..Boogta igu taallana ha
damqinnin..!!. Habar-Deynaba:-Maxaa dhacay ? Waa saay ? Seed iila hadleysaa
Xaaji ?; Maxaa dhibaata ah oo ku jira Warkayga ?!!. Oday-Dikriyow:-Walaasheeyaay, wiilka ha iga maqashiin warkaas; jacayl iyo
aroos midna ma gaarin; waa arday muluq ah(yar); mana aan rabo in uu Qalbigiisa
galo arrimahas.Teeda kale, waad og-tahay: in idinku haddaad reer-Qansax
tihiin,in aad na quursataan, hoosna noo fiirisaan, haddaan reer-Qurac nahay.
Gabdhihiinna ma siineysaan Wiilasheenna, in ay hoos-hoos ula heshiiyaan ama
khudba-sireedsadaan mooyaane. Waase ogahay, oo waa jiraan, oo xusid iyo bogaadin ayay mudan
yihiin:qaar ka mid ah Gabdhaha aqoonta sare leh, Garaadkooduna weyn
yahay,Birtana calashaday, oo iyagu jebiyay xeyndaabkaas haraadiga ah, maalinta
cadna la aqal-galay wiilashii ay jeclaadeen, iyagoon eegin heybtiisa qabiil.
Marka, adiga oo is-quursigaas og, waa maxay ujeeddada aad ka leedahay
warkaagan..? oo aad anigana igu juq-juqeyneysid ?!!. Habar-Deynaba:- Waa runtaa, is-quursigu waa jiraa, siiba marka ay Guur
noqoto, waana ogahay, laakin anigu ma aaminsani, waana ka soo hor-jeedaa in
wiil iyo gabar uunka iska xushay, Soomaali iyo Muslinba wada ah, aanan loo kala
turjumayn, isku qanacsan....in laysu diido ,oo la kala hor-joogsado. In ay
dhibaato hor leh iyo dembi ka imaanayaan ayaan qabaa. Oday-Dikriyow:- Waa la og-yahay, dadku iskuma jiraan, Soomaalida oo dhan
ma wada aha, quursiga qaarkood un baa wada, oo aaminsan dhaqanno hore, oo ay
dunida horumartay ka gudubtay.. Diinteennuna waa ka soo hor-jeeddaa, oo
Nebigaaba yiri:-"Dadku waxay u siman yihiin, sida Ilkaha Shanlada".Oday-Dikriyow, oo sii kululaaday, siina wata hadalka ayaa
intaas ku daray:-"Anigu ma ahi caalim,aqoontuna waa ay igu yar tahay,
laakin waxaa iga buuxa Cilmi-dhegood iyo waaya-aragnimo badan. Warkan iga qor
galabta:-Inta ay Soomaalidu wadaan qabyaalad, is-quursi, qola-qolayn iyo
caddaalad-darro, weligood hore uma marayaan,mana la saan-qaadi kari doonaan
asaaggood. Ugu dambayntana waxay Soomaali eersan doonta,dabinna ugu
dhici doontaa "Qabyaalad". Annaga weligeedba ha nala quursado,laakin
waxaa la yiri:-"La riixow reerka adaa u roon".Ilaaheyna, wuxuu u
hiilliyaa kuwa la dulmayo,laguna xad-gudbayo"Waa dareen cashaq oo duufaantiisa wata , waa daymo jacayl oo
is fiirinaya,waa ishood horleh iyo barasho cusub oo daaha ka qaadantay , iyo
calool bal balaysa oo jawaab sugaysa wakhtigu wuu socon layahay fakar iyo fiiro
jaceelna meelayeey ku sugayaan waa interview cusub oo wajiyo hor le , waa tashaday Osmaan tii ilaahayna
meel ayaay talaa , iga baxi Allahayoow caashuqu bad weeye waxaa la soo gaadhay subaxii jimcada jawiga maalintaas waa dagan yahay
cirka waxaa xuubka saaray daruur ceer yaanteeda wadata dabayel
qaboow ayaa dhacaysa dhulku xili roobaad ayuu u eeg yahay , Osmaan wuxuu
qiimayn saaray wajiguu kula kulmi lahaa Raaqiya waxaanu dhexda u xidhay
lakulanka cusub ee uu hor fadhiisanayo Raaqiyo, ileen qof aadan oqoon oo jaceel
kuu galaa garaadkaaga ayaa kuu heeshee iyo geesinimada aad mu jiso , waxay talo sii gur guurataba aakhirkii waxaa madaxa lala galay xiligii uu
balanta lahaa wuxuu isku taagay labis aad uqurxoon oo indhaha soo jiidanaya
ileen labisku waa kabadh quruxda qofka dhalinyarda ,waxaanu afka soo saaray
dhankaa guriga Manaal ay joogtay wuxuu fiirinayay wakhtiga ay balanta lahaayeen
oo aheyd 8:00 fiidnimo waxaa isku soo beegay xiligii ay balan sanaayeen Manaal
waxaanu isa soo tagay guriga waxaa kafurtay Manaal waxaanay usoo dhawaysay si
heer sare ah iyadoo guriga oo dhan ay ka carfayso isku soo haad ama bukhuurka
umarka ku soo jiitaan raga waxaanu usoo gudbay gudaha wuxuu iska fadhiistay
ursi gii ay is yaqaaneen ee uu hore u fadhiisan jiray wuxuu hore ka qiimeeyey
xaaladda guriga ,waxaa u muuqan waysay gabadhii
Raaqiya aheed jawigu wuxuu ula muuqday nooc kale waxaa hor yimid Osmaan Su'aalo
badan waxaa ka muuqatay wajigiisa cabis iyo xishood dareenka caashaqu waa dhib
badan yahay daqiiqado kadib waxaa jikada ka soo baxday Manaal oo sidii la isku
yaqaanay sida cabitaan iyo buskud qalabka martida loogu talagalay waxaanay
saartay miiska udhow Osmaan afkeeda maykala furin dib ayay u noqotay waxaanay
gashay guriga iyadoo hore u dhaaftay jikada wuxuu maqlay cod iyo nux nux aad
ayuu u shakiyay dareenkii su wuxuu isku shareeray cirka indhahu way is qaban waayeen dhagahu waa
maqal raadis afkiisacabitaan muusaarin iyo
alaabtii loogu talagalay waxaa u baxaya hadal meel dheer ah oo xanshaashaq ah makala saari karo inta qof ee wada hadalaysa lakiin
wuudareensan yahay in meesha lagu
badan yahay oday Osmaan wuxuu samro oo sugo dadka nuxnuxda meesha kahaya waxaa
soo baxaday Manaal oo gacanta haysa Raaqiyo oo afka garbasaartii ay sidatay
saartay sidii qof wajiga qarsanaysa kii xishood ahaane uu indhaha ka saran
yahay. Osmaan waxaa ku yeedhay wiishka Waxaa ku baryay waa cusub
waxaa ka lumaykantaroolkii waxaa jidhkiisa
oo idil is qabsaday dhidid,dareenkiisa oo dhana wuu aamusay , wuxuu ku war helay Oday Osmaan, salaan Manaal ay iska soo hor marisay ASlaamu calayku warax matu laahi wb ,Osmaan fadhiga ayuu ka istaagay waxaanu si cod gaaban ah ku
dhahay Wacalayku wasalaam wwbrk waxaanu dib ugu fadhiistay kursigii uu
fadhiyaay,daymada Osmaan way is badashay
jawiga gurigu aamus ayuu galay, wadanaha Osmaan wuxuu ushaqeenayo si aan caadi
aheen wajiigisa naxdin ayaa ka muuqata, waa la wada aamusay sidii film horror
ah la shiday xaaladu indhaha ayaay isku qabsatay xishoodkii la yaqaanay ayaa
guriga roob ku noqday, waxaa iftiinkiisa shidmay jacayl ,waxaa daaha soo rogay
dareen culus afkiibaa juuqda gabay alloow adaa ku tala saartay ,hadaba Manaal oo u dhalatay firfircooni ayaa meesha waxay ka
furtay barsho horleh , waxaanay hadalka ku biloowday Raaqiyo soo dhawoow
wiilkan waa walaalkay waxaana ladhaha Osmaan ,dadkuna waxay ku fiican yihiin
aqoonta hadanay aqoon isu lahayn waa lakala xishoonaya ,Osmaan waxaa ka soo
fuqay hadalkii mudo daqiiqada ah qalbigiisa ku duugnaa waxaanu si aad soo
jiisha uleh ugu celiyaay barasho wanaagasan abaayo magacaygu waa Osmaan Raaqiyo
ayaa ka gudoontay si xishood ku dheehan yahay , waxaanu hadalka ku sii daray
Manaal aad iyo aad baad ugu mahad santahay abaayo sida sharafta leh aad noo soo
dhawaysay , Manaal oo ah qof reer magaal ah oo aad u diyaarsan ayaa waxay
goobta ku dhex tuurtay alaab ayaan hooska soo qabsanayaa ee iska sheekeeysta
waxaanay u dhaqaaqday dhanka albaabka guriga waxaanay kula sii kaftantay intay
sii socotay gurigu waa gurigiina ha is martiyeeynina ,Osmaan iyo Raaqiyo goobtaa ayaa ku waynaatay guriga ayaa ku
balaadhay kii xishood ahaana weerar ayuu soo qaday kii jaceel ahaana
mukeefkiisa qaboowaa ayuu ooda ka soo qaaday waa la isla aamusay , halkaan ka
baxaa meel Alle ayay maraysaa xaaladu , xiwaar intee in la eg ah ayaa dhex maray
Osmaan iyo Raaqiyo wajigan cusub muxuu noqon doona Waxaa sida la ogyahay aduunka
hadiya jeer kadhaca sheekooyin laga tabiyo bulshada taariikhda iyo cimriga kala
duwan ee ay marto umada illaah ku uumay koonkan aan ku nool nahay ,waxaa
sidaynu ognahay dhacda saacad walba ama wakhti walba iyo daqiiqad walba dhacdo
ay taariikhdu mar dhaw ku xusto baalasha kala duwan ee dhacdooyinka taariikhiga
ah bulsho ku nool meel isku mida .dhacdooyinkaasi ha ahaadaan qaar bulsheed
,diimeed ,siyaasadeed,dhaqan dhaqaalle ,iwm.v Sida aan wada og nahay soomalidu
waxay leedahay luuqad qaniya oo ay aad ugu faanto hadiya jeerna ay u adeegsato
sarbeebta taas oo ka turjumaysaa sadarada kor aynu ku xaradhnay taas oo ah
maahmahda soomaliyeed ee tiraah (waagii baryaaba waaya leh) Hadaba labada
lamaane ee sheekadani soo dhex martay waxaa ay ahaayeen wiil iyo gabadh lakala
yidhaahdo khaddar xasan iyo fahiima yuusuf .Hadaba labadan lamaane oo hab nololeedkoodu aad isugu dhawaa ayaa waxaa uu
khaddar oo ahaa wiil dhalin yara oo ku noolaa magaalada hargaysa .Khaddar waxaa uu ka dhashay reer ka kooban:- aabo, hooyo iyo
3 caruura oo isaga da ahaan ka yaryar,khaddar waxa uu ahaa curadka aabe xasan
iyo hooyo caasha .Waxaanu waxka baran jiray
dugsiga sare ee maxamud axmed cali . Sidoo kale waxaa fahiima ay ahayd gabadh
baariya oo uu dhalay aabe yusuf hadiya jeerna waxaa uujeclaa in gabdhiisa
fahiima oo uu kaligeed dhalay la jeclaa gabadhiisa inay waxbarato si ay
mustaqbalka danbe u anfacdo isaga iyo hooyaded khadiija .Hadaba markii fahiimi ay dhamaysay dugsigeedii dhexe ayaa
waxay ku biirtay dugsiga sare ee faarax oomaar waxaa ay sanadkii hore (formI ka
) dhiganjirtay galinka danbe . Fahiimi waxay sanadkii hore ku dhamaysatay
waxabarashada galinka danbe halka khaddar uu dhigan jiray maxamud axmed cali
galinka hore .waxaa maalintii danbe khaddar booqasha ku soo gaadhay dugsiga
sare ee faarax oomar maalintaasi oo ahayd maalin khamiisa hadiya jeerna
khamiista ardayda dugsiyada sare ma qaataan dirayska ardayda sidaa awgeed waxaa
khaddar maalintaa lasocdaa sxbkiisi dugsiga dhexe oo la odhan jiray farxaan
c/laahi oo ay isla markaana isku fasal yihiin fahiima yuusuf oo runtii ahayd
gabadh illah ku manaystay qurux runtiina waxay fahiimi leedahay midab soo
jiidanaya raga dherer fiican iyo hilib yar oo saafan oo aan culays badan ku
hayn dhismaha jidhkeeda ,waxaa khaddar soo galay fasalka isaga oo uu garab
socdo sxbkii farxan waxaa khaddar markii uu fasalka soo galayay jaleecay xaga
gabdhaha waxana uu isha ku dhuftay fahiima oo markaa ahayd gabadh indhaha soo
jiidanaysa illahna ku manaystay qurux.Khaddar intii galaaska uu ku jiray waxaa maskaxdiisa ka dhex guuxaysay
suaalo aad ufarabadan oo ay kamid ahaayen Sxbkaa farxaan iyo gabadhaas wax
aqooni maka dhaxaysaa ?Sidee gabadha isbarasho idiin
dhexmari doontaa?Ma adigaa kaftanka ku furi
doona mise sxbka farxan ayaad u adeegsataa ?Khaddar jelleeco iyo dareenka hayaa kolba waa uu ku sii badanayaa
xiisadaha macalimiintu sharaxayaan uma jeedo maskaxdiisu iyo dareenkiisu waxay
ku jeedan fahimo yar markii waxooga uukhadar mawjadahaa dareenka kala duwan ku
jiray ayaa macalinkii xiisadi ka dhamaatay .Hadaba markii macalinkii sidaa u baxay ayaa waxa khaddar haysan kari wayay
dareenkii jidhkiisa badalay waxaa isla markiiba khaddar farxaan ku yidhi waxaa
aad isku galaastihiin hablo aad uqurux badan waxaana farxaan ku jawaabay haa
lakiin hablaha jaleecada ha ku badin meeshu maxud axmed ali maahee.Isla markaa waxa khaddar ku jawaab celiyey in hablaha mid
kamid ah ay dareen gelisay. Waxa markiiba farxaan weydiiyey walaal waa ta
halkee fadhida? Jawaab: kursiga dhexe ta dhexda fadhida, walaal ma fahiima
jawaab haa ma fahiimaa layidhaah, khaddar walaal inantaas wax aqoon ah ma
idinka dhaxaysaa, farxaan haa laakiin ma badna, khaddar walaal ma iskaaya barri
kartaa, farxaan haa walaal dhibmalaha.Khaddar markaa dareenkiisu waxa uu ku suganyahay ama maskaxdiisa ku soo
noqnoqonaysa weedha tidhaahda: -Haddaad gabadh is aragtaanIs aragtaanoo Dabadeed is eegtaanEreyna aanad odhan KarinWaa aafaadka soo dhacayiyoArrami kugu taal.....Intaa markii lays dhaafsaday khaddar wuxu raagsanayaa waqtiga, balse in
yar ka dib waxa ardaydii u dareereen fasaxii.Khadarna, waxa uu sugayaaba waa is barashada fahiima, nasiib wanaag
saaxiibkii farxaan waxa uu ku guulaystay inuu is baro khaddar iyo fahiima isaga
oo farxaan isticmaalay xelad dhalin yarnimo madaama farxaan ay hablaa mid kamid
ahayd gabadh ay sheeko wadaag yihiin oo la odhan jiray samiira xaaji taas oo
usuura galisay in fahiima shabakada sifiican usoo gasho lakin sida lawada
ogsoona fahiimi waxay ahayd gabadh afgaaban laakin hadal yaqaana marka ay
hadlayso waxanay soo dhawaysay inay barato inanka umartida ah farxaan oo ay
sheeko wadaag yihiin saxbibadeed samiira , Markii kulanki suura galay ayaa
waxaa la gooansaday in cagta boodhka lasii wada daro madaama ay ahayd maalin
khamiisa oo dhalinyartu ay sitaan dharkii caadiga ahaa ee aaan ahayn dharka
ardayda .Waxaa schoolka ka soo baxay
farxan iyo khaddar oo og inay kadaba imanayaan samiira iyo fahiima kalsooni
farabadana ku qaba in manta isabarasho ay dhex mari doonto khaddar iyo fahiima .Waxaa intaa khaddar maskaxdiisa sida mawjadaaa udhex
mushaaxaya suaalo badan oo khuseeya siduu isku tacriifin lahaa iyo sida uu ugu
sheegan lahaa dareenkiisa .Si kastaba arinku ha ahaadee waxaa ay hablii oo is barbar socdaa kasoo
baxeen albaabka . khaddar arinkiisu waxaa uu marayaa (nin la sugayow adna yaad
sugi) maxaa yeelay khaddar isaga ayaa dalbaday in fahiima labaro sidaa awgeed
waxaa looga bahan yahay inuu layimaado furfurnaan badan .Hablihii soo gaadhe goobtii inamadu joogeen waxana lays
dhaafsaday salaam aad uqiima badan oo ay habluu ku cabirayaan siday uga raali
yihiin isabarashada cusub ee ufurmaysa iyaga iyo khaddar waxaana lays
waydaarsaday kaftan bilaa turxaana In yar kadib waxaa laysla fahmay in ilaa
meesha basaska lasii wada socdo si sheekada laysku deeqsiiyo waxay in badan
sheekadu ka ahayd afaray lakin in yar kadib waxaa laysku noqday lamaane lamaane
waxaa khaddar fursad u helay in inantii uu sharxo inuu manta galaaska
quruxdeeda la dhacsanaa ayna tahay gabadh aad u qurux badan loona baahan yahay
in mustaqbalka ay ka faaiidaysato iyo inta cimrigeeda ka hadhay kuna noolaato nolo
farxad leh , Fahiimi waxay ahayd gabadh aad u aftahamada waxay usoo bandhigtay
waxaa ay himiladeedu tahay mustaqbalka iyo waxyaalo badan oo ay ku hamiso
intabadan . Khaddar waxa uu fahmay inuu manta helay gabadhii uu raadinayay
loona bahan yahay inuu ka faaiidayso wakhtiga yare e ay kulanka leeyihiin una
soo bandhigo gabadha in ay suura gal tahay ,inay wad yeeshaan xidhiidh sheeko
balse markuu arkay in wakhtigu gabaabsi yahay ayaa waxaa u ka gaadhsiiyay in
kulan danbe wada yeeshaan labadooda sidoo kalan number tellphone lakala qorto.
Khaddar waa uu ku guulaysatay maalintii hamigiisii waxaana uu diyaar unoqday
fahiimaha sidii uu qalbigeeda ukasban lahaa wanaagiisana u tusi laa wax uu
wakhtigu isguraba khaddar waxaa noloshiisa ku soo koradhay gabadh aad uqurxoon
waxaana ay laqaybsataa fikirkiisa caadiga ahaa waxaana uu badaanaa dhagaysta
heesaha jacaylka ah khaddar taniyo intii isbarashadu dhexmartay fahiima waxaana
intii ufasaxa ku jiray uu qaadayay Ladiwayay hurdada laacdanka Ee xageebaaad ladanay jirtaa Waxaa kaloo uu dhagaystaa heesaha Shawliisa caashaqa shaw laabta ku hayee Hawlaha sidiisii shaw layga raacdeeAda lumayee eegmada shaw limid lamoodyeey Ladiwaa haldhaaguba intuu laacu muuqdeeAna laanta ubaxaa adaan kuu luluyaa Cashaqan lurkiisii sawmaan laxaad gabinWaxaa kaloo kamid ahaa heesaha afkiisa ku soo noqnoqnayay
sidoo kale heesta uu qaado xuseen yuusuf tarabi Dhayalsaday jacaylkuye Inta uudhan ii riday Ma dhex galay wadnaha oo Mala dhuubtay awgaaMala dhuubtay awgaa Waxaa khaddar soo gaadhay xilligii ay fahiima kulan fool ka
foola iskaga hor iman lahaayeen, marka aad eegto dareenka fahiimi ay ka qabto
khaddar waxaa uu yahay mid ku kooban dad barasho wallaltinimo oo horle bilaabay
mana oga in khaddar rafaadka jacaylku ku soo dagdagay oo uu la ildaran yahay
jacaylkeeda.Kadib markii ay ku kulmeen
khaddar iyo fahiima goobtii balanta waxaa lawada qaatay sheekooyin goosgoosa oo
midba ka kale ku qancinayo lakin nasiib darada meesha taalla ayaa ah in labada
dareen ee meesha ku kulmay anay darajada jacaylku isku meel ka taagnayn kuna
badan tahay xaga khaddar sidaa awgeed khaddar looga baahan yahay inuu soo ban
dhigo ujeedooyinka uu ka leeyahay fahiima intabadan sida cadada gabdhaa
somaliyeed tahay, waxay goaanka iyo arinka ka sugaan ninka iyaga oo muujinaya
haweenimada. Waa tii maahmaahdi ahayd (ragna waa arinnkeen dumarna waa
aqbalkeen) Intaa kadib khaddar waxaa uu goaan saday in uu fahiima ugudbiyo
dareenkiisa isaga oo ku cabiraya hadalo aad u xeel dheer ,islamarkaana waxay
fahiimi muujisay inay diyaar utahay waxkasta oo sii kobcin kara isbarashadooda
iyo jacaylka ubaxa ee manta ka dhex biqlay .Khaddar waxaa ay utahay habeen taariikhiya waxana uu naftiisa ogaysiiyay
in manta guul fiican uu gaadhay ,Hadal kasta oo kasoo baxaya afka fahiima waxaa uu uyahay naruura waxana
intaa sii jeclaysanayaa agjoogeeda Maxaa dayr cad geel hallaabooDib jiray uu cunay dugaagooaNinkii lahaa daydayaaMaxay dantu ciishay wiilooDulqaad iyo deeq lahaayooDadkuna doqon moodayaanAdigoo degganaa abaarMar baa dirir kuu da'ayooDaruuruhu kuu curtaan ooXareed ku dabbaalataaHa dilin hana iga dagaalinDiirkaa iigu yaallee ax!Wadnaha damqashada ka daa. Horaa loo yidhi soomalidu been way sheegtaa beense ma
maah-maahdo waxan uga socdaa maah-maahda dhabta ah ee tidhaahda "ragna
ba'iisuu ka sheekeeyaa dumarna badhaadhohooda", way yartahay in la arko
nin ka sheekaynaya badhaadhihiisa waxase inta badan la arkaa nin ka sheekaynaya
jabkiisa. Halka ay dumar ka sheekeeyaan badhaadhahooda sida cadaadada u ah
iyaga oo qarinaya guul-darrooda. Marnaba inan ragg uma fiicna in uu is faansho
waayo? Horaa loo yidhi "Nin is faanshey waa ri isnuugtey". Hadaba
akhristayaal waxan halkan idiinku soo gudbinayaa Qiso Dhab Iigu Dhacday Taasoo
ah Qiso Jacayl ah iguna reebtay xusuus murugo badan, akhristayaal nuxurka
qisadan jacaylka ahi xambaarsantahay waxad ka fahmi-kartaan ciwaanka sheekada
oo ah "CUDURDAAR JACAYL" qofkastaana wuu fahmikaraa meesha ay
sheekadini u biyo dhacayso, waxan hubaa in aad sheekadan aad uga heli-doontaan,
sidoo kalena sheekadini waxay wax weyn u tari-doontaa ama ay cashar u
noqon-doontaa dhalinyarada maanta joogta oo iyaga oo aan waxba haysan is
jeclaanaya. Akhristayaal sheekadini maaha mid aan malo-awaaley ama aan meel ka
soo dheegtey ama inta aan mirqaamay aan qalin iyo buug qaatay ka dibna aan
sameeyey sheeko mirqaan. Intaa in aanay midna ahayn waxa idiin caddaynaysa
nuxurka sheekadu xambaarsantahay. oo ah CUDURDAAR JACAYL waxa laga yaabaa
akhristeyaal in aad su'aalo iska weydiisaan Qisadan inta aynaan gaadhin
gundhiga sheekada. Gabdhaha Soomaaliyeed waxay sas ka qabaan ninka aan
maalintaa gacanta waxba ku hayn, wana lala yaabaa haddii la arko inan inan
caashaqday nin aan wax adduun ah haysan, mase aha wax lala yaabo waayo? Dadku
wada taajir maaha. Gabdhaah maanta joogaa waxay eegtaan ama ay tixgeliyaan oo
keliya ninka maalintaa jeebkiisu buuxo, marka laga reebo in yar oo haweenka ka
mid ah oo fahamsan in cidda keliya ee wax bixisaa ay tahay ILLAAHAY [SWT]
hablaha manta joogaa waxay moogan yihiin in la arko nin maanta buuxa berina
faro madhan, iyo nin maanta faro madhnaa berina jeebkiisu buuxo. Waxase
gabdhaha manta joogaa eegtaan ninka maalintaa midida daabkeedahaya ee seeftiisu
wax goynayso rikoodhkiisuna hadlayo, kamase fekeraan waxa mustaqbalkooda danbe
iyo waxa beri ka maalin imandoona, waxa hubaal ah haddii inanta reerkoodu
ogaadaan in ay nin la sheekaysato markii inanta waxa la weydiiyaa su'aalo aan
munaasib ahayn, kuwaasoo ay ka mid hiyiin. Naa ninku lagac ma leeyahay? Muxuuse
ka shaqeeyaa? Su'aalaha iyo qaar kaleba waxay ka mid yihiin caadooyinka xun-xun
ee weli ka suulila dadka soomaliyada, waxa ka haboon in ninta la weydiiyo ninka
ay caltay dhaqankiisa, diintiisa, iyo dabeecaddiisa wixii kale ee intaa dheeri
ma haboona.Muddo dheer ayaan ku noolaa
caasimadda Somalialnd ee Hargeysa, waxan wax ka baran jirey mid ka mida
iskuullada gaarka loo leeyahay [ PRIVATE SCHOOL] waxan wax walba dhaafsaday in
aan wax barto oo aan labada gelinba qalin iyo buug sito, labadaasaan saaxiibla
ahaa, waxa igu kelifey in aan sida u dedaallo waxan ogaa noloshii ay ku
noolaayeen reerkayagu oo ahayd nolosha baadiha, reerkayagi xoolo miyi mooyaane
xoolo magaallo ma lahayn, ma jirin cid aan aniga ahayn oo wax barasho ka
gashay. Waxan ka dheeraaday sheekooyinkii dhexmari-jirey wiilasha iyo gabdhaha
aannu isku waxbarashada nahay, waa mid aan dhalinyarada laga waayin
sheekooyinka jacaylka ah weliba xilliga ay kuwada jiraan wax barashada, balse
anigu waan laabay boggii sheekooyinka waxanna sida u samaynayey yaan sheekada dumarka
wakhtikaaga lumin. Weligay qof ma jeclaan anna layma jeclaan, marka aan arko
labo qof oo is jecel waxan moodi-jirey in ay been isugu sheekaynayaan, waxan
aaminsanaa in aan jacaylba jirin, ma aan akhirisan jirin buugaagta lagu qoro
sheekooyinka jacaylka ah [NOVAL] sidoo kalena jaraa'idda oo inta badan lagu
qoro sheekooyin jacayl ah waxan ka qaadan jirey oo keliya bogaga wararka iyo
ciraaraha, balse ma aan eegi jirin bogga sheekooyinka wax feker ah kama aan
haysan waxa uu yahay jacaylku, ma aan ogayn in jajacaylku yahay aafo haddii uu
ka haleelo mararka qarna uu geysko jariimadda [dil] jacaylku wuxu ugu daran
yahay marka qofkii aad jeclaatay uu kuu joojin-waayo, ma aan ogayn in jacaylku
uu iilka dhigay CILMI BOODHERI oo taariikh naxdin iyo murugo badan kagaga tegey
dhulka ay degaan dadka soomaalidu, buugaag badan oo mucjisooyin ahna laga
qoray. Sidoo kale jacaylka waxa la god-galay LAYLA IYO QEYS oo ahaa labo qof oo
carbeed xusuus murugo badana kagag tegey wadamada carabta gaar ahaanna wadamada
Bariga Dhexe. Balse anigu ma aan ogayn in jacaylku dhibta intaa leeg uu
leeyahay dad badana uu galaaftay. Waxan deganaa xaafadda BADDA CAS waxan
dulsaar ku ahaa guri uu leeyahay nin aannu ilmaadeernahay, wuxu ahaa nin lacag
leh kana mid ah hoggaanka dalka, waxan dhamaystay Dugsigii sare ee bareefaddka
ahaa. Anigu waxba gacanta kuma haysan waxana fiiga iga bixin jirey ninka aannu
ilmaadeerka nahay, markii aan dhamaystey Dugsigii sare waxan galay qayb sanad
ah oo jaamacadda ah taasoo aan ku baran jirey culuumta saxaafadda. waxa caaddo
ii hayd in aanan habeenkii suuqa ku habsaamin waxana guriga iman jirey 7:00
fiidnimo.MARKII LAY HALEELAYGoor fiid ah ayay ahayd waxan fadhiyey qolka fadhiga waxan
daawanayey TIIFIGA qolka keligay ayaa fadhiyey waxa I raali-gelin waayey barmaamujkii
ka socdey TIIFIIGA, waxan tiigsadey telefoon yaaley meel aan sidaa iiga sii
fogayn, markii aan soo qaaday telefoonkii ayaan isweydiiyey tollow ayaad la
hadashaa oo cabaar wakhitga isku dhaafisaa? Ma jirin wax dumar ah oo aan
tilifoonka kala sheekaysan jirey, telefoonkii ayaan soo qaaday waxan
go'aansaday in aan labar iskaga nasiibiyo. Waan garaacay markii uu cabaar
dhacay ayaa waxa iga iga qabatay inan cod dahabiya leh, waaba tii aad doonaysey
ayaan is idhi markii ay qabatay ayaan ku idhi markiiba waxan ka fekeray halkii
aan inanta hadalka uga bilaabi-lahaa, waxan markiiba go'aansaday in aan igu sii
mar-marsiinyooda qof magicii waxanna inantii ku idhi " HELLO Xasan ma
joogaa walaal? Malaha inantan ta tilifoonka iga qabatay Xasan waa walaalkeed oo
10 jir ah. Intii aanay inantii jewaab iga siin in Xasan joogo iyo in kale ayay
igu tidhi " horta salaama calaykum? "Caleykum wasalaam ayaan igu
jewaabay" waxayna hadalkii iigu sii dartay oo ay inantii igu tidhi walaal
salaan qof muslim ah lagu salaamo oo ka wanaagsan salaama caleykum ma jirto
waxana haboonayd adiga oo u jeedadaada ka horaysiiya salaanta, ka dibna sheegta
waxa aad u socotey, walaal adiga oo raaliya waxad iska ilaalisaa in aad dadka
muslimiinta ah ad ku salaantid kelmadaha ay isku salaamaan gaaladu, sida HELLO,
HOW DO YOU DO IWM. Igana raali ahaw haddii aad hadalkaa talada ah dhibsatay,
aniga walaal waa iga tallo, cidda aad doonayseyna I weydii " waxa
haboonayd aniga oo marka hore inanta salaama balse taa waan mooganaa, waxana ku
salaamay inanta Xasan ma joogaa? Runtiina inantii gool qurux badab ayay iga
dhalisay, waxanna u qushuucay sida wanaagsan ee ay inantu iigu caqli celisey
waxanna markiiba u aqoonsaday inantii qof ehel u ah diinta, hadalkeedii
markiiba meelbuu I taabtay. Aniga oo qajilaad afka kala qaadi-karila ayaan
su'aashii inantii igu celiyey oo ku idhi walaal Xasan ma joogaa? Marka aan
hadalkaa leeyahay waxan anigu jecelahay in ay ugu tidhaahdo Xasan ma degana
guriga si aan u jeedadayda u caddeeyo marnaba isma aan odhan niyadda ma aan
gashan Xasan inanta ayay walaalo yihiin, wuxuse hadafkaygu ahaa Xasan ka sii
dhigo salaankii aad sheekada inanta u sii mari-lahayd, waxayse jewabtii inanta
noqotay walaal Xasan wuu joogaa? Markaasaa talo igu caddaatay mana odhan karro
inanta Xasan ii dhiib oo wuxuu yahay ma garanayo. Intii aanan wax jewaaba bixin
ayay inantii su'aal labaad I weydiisey waxayna igu idhi" walaal haddii aad
Xasan garanayso anna waxan filayaa in aad igaranayswid ee isu kay sheeg? KA DAR
OO TIBI DHAL! Su'aashaa labaad ee inantu I weydiisey ayaa inayana igu noqotay
afkala qaad, ileyn awalba ma aan hayn nin qorshe cad u soconaya'e, balse waxan
ahaa nin tilifoon aanu garanayn soo garaacay sheeko doona ah, aniga oo guntida
dhiisha iskaga dhigaya kelyahana dhagax gashanaya ayaan inantii ugu jewaabey
jewaab indho adkaana, waxanna ku idhi " HAA............ HAA waan idin
garanayaa. Markii aan sida ugu jewaabey ayay iyana igu tidhi " HAYE oo
kumaad tahay haddii aad nagaranaysid? Markii ay su'aashaa I weydiisey ayaan
maskaxda ka shaqaysiiyey , runtii waxay ahayd inan aad u maskaxbadan oo hadal
degen taacadna ah, mana ay jirin wax ragg ah oo ay xidhiidh lalahayd, runtiina
u qaadan waa ayay ku noqotay wayna fahantey in aan qar-jafayo waxase ka
daadegi-weydey inantii ninkan wiilkiina yar garanaya oo ahaa kii aan markii
hore magcaabay, ma oga inantu in aan afka uun ka idhi magaca wiilka oo aanan
xataa oqoon halka ay magaalada Hargeysa ka deganyihiin iyo joho ay iga xigaan
toona. Intii aanan inantii uga jewaabin su'aashii ay I weydiisey ayay su'aal
kale ii raacisay waxayna igu tidhi" walaal ma maalinbaad na soo
siyaaratey? Si fiican uma aan aqoon luuqada afka carabiga halka ay iyadu ku
wadh-wadhatay ku hadalka luuqadda afka carabiga, waxan u qaatay kelmadda
siyaara oo ah booqasho in ay iila jeedey miyaadna soo dewersatey, balse iyadu
waxay ula jeeddey miyaadna soo booqatay. Jewaabta saxda ahina waxay ahayd ta
inanta. Aniga oo cadho awgeed dhitid yar yari fax iga soo yidhi ayaan inantii
si kulul ugu idhi" naa maaniga ayaad ileedahay ma maalinbaad na soo
dewersatey? Inta ay inantii qososhay ayay igu tidhi " walaal gacaliye waad
I khlad fahantey, waxana hadalkayga uga jeedey ma maalinbaad na soo booqatay,
walaal shaydaanka iska naar isna deji" markii ay hadalkaa igu tidhi ayaan
dib u fadhiistay waxann a ogaadey in aan anigu khaldanahay, waxayna inantii
hadalkii iigu sii dartay "walaal kelmadda siyaara waa kelmadda carabiya
waana booqasho malaha adigu waxad taqaanaa [VISIT] markaa walaal marlabaad
raali ahaw waad I khalad fahanteye" Hadalkaa naxariista iyo raali-gelintu
ku dheehantay ay igu tidhi, su'aalihiina ay I weydiiseyna ay I hortaagan yihiin
dhawr jeerna aan sibi-riirixdey ayaan isku deyey in aan inanta dareen farxadle
u muujiyo, ma ihi nin dhinaca haweenka af miishaarku ah sheekooyinka dumarkuna
way igu cusbaayeen, mana aqoon luuqadda dumarka lagula hadlo iyo hadalada lagu
soo jiito toona. Balse waxan isku dedeyey in aan inanta debecsanaan u muujiyo
waxanna ku idhi " walaal aad iyo aad ayaad u mahadsantahay sida fiican ee
aad ii raaligelisey weliba aniga oo khaladka leh oo ay ahayd in aan hadalkii
aad I tidhi ka fiirsado, walaal gabadh dabeecad fiican ayaad tahay walaal
marnaba ilaawi-maayo hadalada wanaagsan ee aad igu tidhi iyo sida fiican ee aad
iigu caqli celisey" intaa markii aan ku idhi iskana qiiraysiiyay aniga oo
u muujinaya sida aan uga xumahay is faham la'aanta na dhexmartay, ayaa ay iyana
igu tidhi "walaal qofkasta oo bini aadani wuu khaldamaa laakiin waa laga
soo noqdaa kol hadii khaladkaagi aad garatay waad fiican tahay wax dhibina ma
jirto,walina walal isuma aad kay sheegin markaa walaal waxaan kaa codsanayaa
inaad isu kay sheegtid". Markii ay hadalkeedi dhamaysay suaashiina aanan
wali jawaab u hayn ayay talo igu cadaatay beentiina waa ay soo afjarantay,
markaasaan goaansaday inaan runta ku dhinto oo inanta aan run u sheego, waxaana
aan ku idhi "walaal tilifoonkaaga garasho uma soo garaacin balse waan ku
soo nasiibiyay nasiibkaygina adiga ayaa uu noqday waxaan aaminsanahay in
nasiibkaygu aad u fiican yahay", marka aan hadalkaa leeyahay ma ogi
gabadhu waxa ay tahay mana aan waydiin in ay guri leedahay iyo inkale,balse
hadalkaasi waa mid aan awrkayga ku kacsanayo markii aan intaa ku idhi ayaa ay
igu tidhi "walaal waad fiican tahay laakiin maxaad ku cadaynaysaa in
nasiibkaagu wanaagsan yahay iyo kale, mar haddii aanad i aqoonsan waxaa aan
ahay" aniga oo si taxadar leh su'aashaa uga jawaabaya ayaan ku idhi
"walaal aad baan ugu raja waynahay in aad tahay gabadh madax banaan,
magacaagana ii sheeg walaal adiga oo raali ah . Inta ay cabaar aamustay ayay
igu tidhi walaal magacaygu waa Aamina, adna magacaaga ii sheeg.Ana waxaan u
sheegay magacaygi dhabta ahaa waxaana aan ku idhi"walaal magacygu waa
C/laahi"markii aanu magacyadii isdhaafsanay walina aanan fakar buuxa ka
haysan waxay tahay Aamina laakiin ay ili- ii bidhiiqday ayaan saacadii hoosta
ka eegay waaba goor dambe, mudadaa dheer ee aanu aamina wada hadlaynay
markaliya ma aan maqal sanqadh iyo hadal ka baxaya guriga ay igala hadlaysay
waxaana aan niyada iska idhi tolow inantu ma guri cidla ah bay ku nooshayahay,
maxaad mar kaliya u maqli wayday cid lahadlaysa ? waxaana aan ku idhi walaal
xaafadee ayaad degantahay? " waxayna iigu jawaabtay " walaal GOLJANO
ayaan deganahay" waxaana ay ii raacisay " walaal adigu xaafadee ayaad
degan tahay" waxaanan ugu jawaabay "walaal waxaan deganahay xaafada
"BADDA CAS"markii aan xaafadaydii u sheegay ayaa ay iigu tidhi "
walaal maba aynu kala fogin, laakiin weligay ma aan tegen xaafadda BADDA CAS
labo maalmood oo aan bas u raacay xaafadda JIG-JIGA YAR ayaa farta laygu fiiqay
xaafadda BADDA CAS, laakiin weligay filin kama daawan" markii ay Aamina
hadalkaa igu tidhi ayaan niyadda iska weydiiyey su'aasha ah "tolow inantu
ma maxa jebad aan guriga ka soo bixinbaa? laakiin ma aan sii baadh-baadhin
sababta ay Aamina u arki weydey xaafadda intaa u jirta, intii aanu wada
hadlayney ayay saacaddii gaadhey 12:00-kii habeenimo, welina ma aan gaadhin
hafkaygii aan telefoonka u soo garaacay, marka laga reebo inanta magaceeda iyo
xaafadda ay degantahay, xataa ma aan weydiin in ay xidhiidh ila samaynayso iyo
in kale. habeenkaa dadkii xaafadda ila deganaa anay ila yaaban yihiin xilliga
aan tilifoonka ku hadlayo waxayna isweydiinayeen " tolow inankii maxaa
caawa qaaday? caado ima hayn in aan ku sheekeeyo tilifoonka, xaafaddiina waxay
ku noqotay u qaadan waa markii ay arkeen aniga oo saacado badan tilifoonka
dhegta ku haya. markii aan arkay in saacaddu goor danbe tahay arrimhii aan u
socdeyna aanay fari-ka qodnayn ayaan Aamina u sheegay in ay iska seexato,
waxanna ku idhi "walaal iska seexo waa xilli danbe'e aiga ayaa kula soo
hadlaya walaal" intaa markii aan idhi ayaan hadalkaygii ku kalsoonaan
waayey, ka dibna waxan u raaciyey "walaal horta ma lagu helayaa"
waaxyna iigu jewaabtey " haa......... waa lay helayaa walaal haddii aanan
dhiman" aniga oo hadalkeeda ku faraxsan ayaan ku idhi" haye walaal
aniga ayaa kula soo hadlaya imikana iska seexo" intaa markii aan ku idhi
ayay Aamina iigu sii dartay "walaal weligay xilligan soo jeed kuma
gaadhin, waxan seexan jirey ugu danbayn 8:00-da fiidnimo" aniga oo Aamina
u muujinaya sida aan uga xumahay xilliga ay soo jeedo ayaan ku idhi,
"walaal raali ahaw waxaasoo dhiba aniga ayaa caawa kuu geystey ayaad ayaan
uga xumahay xilliga aad soo jeeddo" inta ay qososhay ayay igu tidhi,
"walaal waxba iima aad geysan labadeenuma waynu hadlayney, laakiin anigu
waxan ku dheerahay, "waxan toosaa marka salaadda subax la addimo, marka
aan tukado ayaan ciyaalka quraacda u sameeyaa ka dibna guriga ayaan kala
hagaajiyaa, marka aan shaqada guriga meel iska dhigo ayaan tagaa
Mederasada" runtii Aamina waxay isiisay faah-faahin aanay hore ii siin,
aniga ayaa tabcaan ahaa hurdona u baahnaa, waxanna Aamina marlabaad ugu celiyey
in ay iska seexato waxanna ku idhi, "walaal iska seexo waa inoo habeen
danbe haddii ALLA ka dhigo sidaa iyo habeen wanaagsan" iyana waxay igu
tidhi, "haye walaal habeen wanaagsan." aniga oo dheguhu iqaylinayaan
ayaan tegey furaashkii, hore ayaan u gamiwaayey oo waxan su'aalo iska
weydiinayey hadaladii ixtiraamka lahaa ee Aamina ii muujisay. runtii Aamina waxay
ahayd 18 jir aan xero xungelin ILLAAHAYNA qurux iyo dabeecad wanaagsan ku
manaystay, Aamina waxay ahayd inan xishood badan oo aan gurigooda ka soo bixin,
marka laga reebo xilliga ay ku maqantahay wax barashada, Aamina weligeed nin
afka uma kala qaadan sheekona hadalkeedba daa, waxay ahayd inan diinleh waxay
wax ka baran jirtey midka mid ah mederasadaha ugu waaweyn magaalada Hargeysa,
waxay baran jirtey kuluumta diinta iyo Sayniska oo ay dhamaantood ku qaadan
jirtey luuqadda afka carabiga. waxay ahayd Aamina inan dedaal badan waxbana
ugama dhexayn jirin gurigooda iyo goobta ay waxka barato, xataa jaarka uma
wareegi jirin, waxay ahayd Aamina inan agoon ah oo aan aabe lahayn ,
caruurtooda iyada ayaa ugu weynayd, waxay ka soo jeedey Aamina qoys ku nool dabaqada
dhexe, runtii Aamina waxay ku noolayd nolol raaxo leh, halka aan anigu ahaa qof
aan waxba haysan, kana soo jeeda qoys sabool ah. Aamina waxay ahayd inan
reerkoodu ku indho-kuushaan, waxay ahayd Aamina inan dheer oo qurux badan
jidhkeeduna buuxo isuna dheeli-tiranyahay, kaalay arag quruxdeeda iyo
dadnimadeeda wanaagsan, ku darso oo Aamina waxay ka soo jeedey qoys diintu
biyo-dhigtay. balse anigu waxaasoo dhan ma aan ogayn. habeen labaadkii ayaan
Aamina xilligii anu balanay ayaan telefoonka ka soo garaacay kalsooni sidaa u
weyn ma aan qabin waxanna islahaa sow qofkale telefoonka kaa qabtee, laakiin
iyada ayaa hore iigu sheegat in ay iga qabanayso telefoonkuna qolkeeda yaallo.
markii aan soo garacay ee labo jeer dhacay ayay Aamina iga qabatay, waxan ku idhi,
"salaama caleykum" "caleykum wa salaam" ayay Aamina iigu
jewaabtey, markii aanu isa salaanay ayaan ku idhi, "walaal waa C/laahiye
ma fiican tahay" waxayna iigu jewaabtey, "walaal waan fiican ahay
laakiin caawa aad ayaad u wanaagsan tahay" aniga oo hadalka Aamina ku
faraxsan ayaan ku idhi "walaal waayo caawa maxaan ku wanaagsan ahay?
Aamina oo qoslaysa ayaa igu tidhi, "dee walaal marka aad ila soo hadasho
adiga oo aan i salaamin ayaad hadal kale ii bilaabi jirtey laakiin caawa si
fiican ayaad ii salaantay" intaa markii ay Aamina igu tidhi ayaan ana ku
idhi, "walaal taladaadii wanaagsanayd ayaan qaatay" Aamina oo
faraxsan ayaa igu tidhi "walaal wiil wanaagsan ayaad tahay mar haddii aad
talataydii qaadatay" intaa markii aanu Aamina is dhaafsanay runtii anigu
waxan ku soo tallo galay in aan arrimahayga caawa guulweyn ka gaadho, waxan
doonayey in aan ogaato cidda Aamina guriga kula nool, markii aanu cabaar kaftan
isku tuur-tuurnay ayay Aamina ii sheegtay in ay xaafadda kula noolyihiin iyada
hooyayeed iyo carruur ay walaaloyihiin, sidoo kale Aamina waxay ii sheegtay in
ay tahay gabadh agoon ah carruurna ay iyadu u weyntahay, sidoo kalw Aamina
waxay ii sheegtay in ay degan yihiin guri weyn oo ilaa sideed qol ah, sidoo
kale waxa la noolayd ayeeyadeed hooyo, maahayn guri cidhiidhiya ee wuxu ahaa
huri weyn oo qoskastaaba qol u gaara leeyahay, Aamina waxay lahayd qol ay aad u
sharaxday oo xataa ay ka caaganyihiin carruurta ay walaalah yihiin, iyada oo
ugu diidaysa way kaaga ciyaarayaan, waxay keliya oo ay ku soo dhowayn jirtey
labo hablood oo ay Aamina saaxibo ahaayeen iskuna xaafadda iyo isku waxbarasho
ahaayeen. Aamina waxay ahayd inan fir-fircoon oo dedaal badan gaarina ah, sida
aan markii danbe ogaatey. Aamina oo isu kay sharaxaysa ayaa igy tidhi,
"walaal waxan ahay 18 jir carruurtayadana aniga ayaa ugu weyn hooyaday iyo
walaalahay ayaan la noolahay, maxad diinaya ayaan dhigtaa, inta aan waxbarasha
joogo mooyaane inta kale marna waxbaan akhistaa marna xaafadda ayaan u
shaqeeyaa, xataa suuqa matago oo waan kabaqaaba haddii aan cidi ila socon,
waxbarashada marka aan tegayo waxanu isu raacnaa labo hablood oo aanu saaxiibo
nahay isku xaafaddana nahay" runtii Aamina si fiican ayay isku kay
faah-faahisay. markii halkaa arrinku marayey ayaan anigu hadalkii qaatay waxana
Aamina u sheeqay in aan ahay arday dhigta jaamacadda, Aamina oo ku farasan
ardaynimadayda ayaa igu tidhi, "maansha ALLAHA A ayaad ayaad u
wanaagsantahay" markii arrinku halkaa marayey ayaan Aamina ka dareemay in
ay iga xishoonayso oo aanay hadalka igula soo dhacayn oo ay iga baqayso. aniga
ayaa go'aansaday in aan Aamina u soo bandhigo arrimahayga ina sheego in damac
iga galay. Aamina runtii aad ayaan uga helay hadaladeedii debecsanaa iyo
dadnimadii quruxda badnayd ee ay uu muujisay kuwaa ayaa maskaxdayda ka guuxayey.
aniga oo hadalkii hayn kariwaayey ayaan Aamina si kadis ah ugu idhi,
"walaal ka waran haddii aynu intii hore isaga soo dhowaano oo abuurno
jacayl dhab ah" intaa markii aan Aamina ku idhi ayay inta ay cabaar
aamustay iigu jewaabtey "maya walaal wax xidhiidha kula samayn maayo"
inta aan naxay ayaan Aamina ku idhi "waayo walaal maxaad ku diidey in aad
xidhiidh ila samaysid" intaa markii aan ku idhi ayay Aamina igu tidhi,
" walaal horta waa lays bartaa xidhiidhna waa la wada sameeyaa oo taasi
ceeb maaha, lays kulamana yaabo, laakiin anigu C/llaahiyow ma doonayo in aan
been kuu sheego ama aan ku lugooyo. laakiin haddii aan runta kuu sheego shan
qodob midkoodna xidhiidh kuulama samayn karro. waata koobaade, weligay nin laba
sheekaysan xataa tilifoon kalama aan hadlin weligay habeenbaa wiil tilifoonka
iga soo garaacay isna waxan qanciyey, waana u sheegay in aan sheeko u diyaar
ahayn, markaa adigu waxad tahay wiilkii aan labo habeen oo isku iga aan la wada
hadlo, markaa C/laahiyow xidhiidhka aan hore u samayn waayey imikana ma
samaynayo." waata labaate waxan ahay gabadh waxbarasho ku jirta sheeko iyo
waxbarashona meel ma wada galaan." waata saddexaate waxan ahay inan reer u
weyn markaa ma doonayo in aan shaqadii guriga kaga habsaamo sheeko" waatada
afraade "xaafaddayadu uguma taqaano sheeko markaa waxa laga yaabaa haddii
sheeko laygu ogaado in lay diloba" waata shanaade "haddii aan xataa
isku dayo in aan xidhiidh kula sameeyo marnaba kuu suura gelimayso in aan
muuqayga aragtid, waayo maba soo boxo shantaa qodob midkoodna xidhiidh kuulama
samayn karo C/laahiyo" markii ay Aamina warkaa cad ii dhiibtey ayay tallo
igu caddaatay, waxa markeliya jidhkayga taabtay dareen odhanaya Aamina
la'aanteed nololi ma jirto. intii aanu Aamina wada hadlayney mar keliya anigu
uma muujin dareen jacayl, balse Aamina hadaladeedii ayaa igu abuuray dareen
jacayl oo laba ilaawaan ah. markii aan ogaatey in ay Aamina tahay inan aan
gurigooda ka soo xibin, weliba ay u dheertahay akhlaaq wanaagsan iyo dabeecad
fiican, sidoo kalena ay Aamina kala garanayso waxa xun iyo waxa wanaagsan ayna
tahay qof diinleh. weliba ay u sii dheertahay qurux , runtii Aamina waxay
lahayd dhamaan shuruudihii NEGEENU inoo sheegay ee uu yidhi, haweenka ku xusha
kuwaasoo ahaa afar qodob oo kala ah. diinteeda, maalkeeda quruxdeeda, iyo
casabeheeda. runtii Aamina waxay ahayd inan diinleh, qurux badan ka dhalatay
qoys ladan oo qabiiliya. runtii Aamina kama
muuqan in yar oo iin ah iimana muuqan waxan dhaafsado. marka la eego gabdhaha
jooga qarnigan 21aad oo ah wakhti ay haweenkii dibada u soo bexeen, marka laga
reebo in yar oo ay ka mid tahay inanta aab calmaday. waxan go'aansaday in aan
Aamina u muujiyo ama u soo bandhigo dareen jacayl, la'aanteedna arrinkaygu
yahay mid khatar ah, sidoo kalena waxan isku deyey sidii aan Aamina ugu qancin
lahaa in aanan ku xidhayn wax is arag ah, waxa keliya ee qalbigaygy ku
degayaana ay tahay Aamina oo tidhaahda, aan wada daadihino caashaqa, runtii
Aamina waxay ahayd inan go'aan qaadasho leh afkeedana ay xaaraanka tahay in ay
soo mariso erey been ah. Aamina waxay ahayd qof wixii ballan ah ee ay qaado
sidiisa u fulinaysa wixii kalena iska dhaafaysa, wax kastana waxay ka fiirsan
jirtey inta aanay samayn. markii arrinku halkaa marayey ayaan Aamina ku idhi
hadalo beer laxawsiya waxana ku idhi, "walaal waxa aanan marnaba ilaawayn
sidii fiicnayd ee aad ii soo dhowaysey, marnaba niyadayda ka biximayso
hadaladii ay ku dheehnayd qadarinta iyo asluubta wanaagsani, marnaba walaal
niyadayda ka biximaysid kaamana maarmi-karayo waayo durba waxa igu taagan falaadh
ka mid ah falaadhaha jacaylka, haddii aanad wax ila qabanna xaalkaygu wuxu
noqonayaa mid dhibi soo gaadho. waxa keliya ee aan ku badbaadayaa waa adiga oo
yidhaada, Amba kula mid baan ahay, Aaminaay waxankaa codsanayaa walaal in aad
il- naxariisleh igu eegtid waxna ila qabatid" markii aan intaa ku idhi
ayaan is beddeley markii ay Aamina dareentay in aan is bedeley oo aan ilmaynayo
ayay iyana is hayn kari-weydey ka dibna oohin bay la jeesatey,waxan tilifoonka
ka dareemayey in ay ooyaysey markii ay muddo aamusnayd ayay Aamina mar danbe
ila hadashay, iyada oo weli aan ka dareemayo oohintii waxana ku idhi,
"walaal maxaad la ooyaysaa" waxayna iigu jewaabtey "walaal aniga
oo awalba hadaladaadii ka qiiraysna ayaad oohina ku dartay, anigu waxa caado ii
ah haddii aan arko qof calaacalaya ama ooyaya anna waan ooyaa cidkastaba
qofkaasi ha'ahaatee, markaa C/laahiyow oohinta iga daa iyo hadalada calaacalka
ah" markii ay Aamina hadalkaa igu tidhi, ayaan farxay waxanna ogaadey in
Aamina tahay qof qalbi jilicsan oo naxariis badan meel aan wax iga tegayn.
saacadda ayaan hoosta ka eegay waaba 1:00 habeenimo intaa aan Aamina la
hadlayey mar keliya kaba dareemin wax dhibsasho ah. markii aan arkay in ay
xilli danbe tahay Aamina ka xishoonayso in ay igu tidhaahdo waan seexanayaa,
balse anigu waxa keliya ee aan ku seexanayaa waa Aamina oo yidhaahda Hareerta
ayaan kula hayaa jacaylka, Aamina ayaan u sheegay in ay xilli danbe tahay
waxana ku idhi, "walaal waa xilli danbe maxaynu ku kala tagnaa, codsigiise
mayga aqbashay" Aamina ayaa igu tidhi, "walaal arrinkaa waan ka soo
fekerayaa caawana iska seexo wer-werkana iska yaray walaal waana inoo habeen
danbe haddii ALLA ka dhigo arrinkaana waan ka soo fekerayaa" intaa markii
ay Aamina igu tidhi , ayaan anna u sii raacayey "walaal waankaa qaatay
arrunkaa iskana soo feker wax fiican ayaan inoo rajaynayaa" intaa markii
aan ku idhi welina aanay Aamina telefoonkii dhigin ayaan u sii raaciyey hees ay
qaado fanaanada caanka ah ee Sahra Axmed Jaamac heestaasoo aan Aamina ugu
muujinayey in aan jecelahay, qofka wax jecelina uu yahay qaali waxana ku
bilaabay sidan.Naf ku jecel aduunyada Ba u
wacan wax nololiyoNabad lala wadaago Nimco
lagula waareeMa nugliye kalgacalkaa Naariyo
ka daran ololMarkuu Nudaygaa kaa galo Nabar
weeye haliseeEe taa nabdiga gali Oo soo
noqnoqoshadahayga moodin nacasnimo Anna
haddii aan ku naawilayNaqba waa la dhawraa Nasiibku
haygu kaa simoNacab iyo sokeeyaba neeftaydu
diidooma nastoo jacayl baa Naqbi ila
haleelayeigu noqoy mid halis oon kaba
nuuxsan waayoonaaftoo qalbigii buu Nudub iga
samaysteeee taa nabdiga gali oo soo
noqnoqoshadaha iga moodin nacasnimo anna
hadii aan ku naawilaynaqba waa la dhowraa nasiibku
haysku keen simoNeeqdoo da'aysoo Onkod nawda
ka hayaaIga heshay nugaal oon kaligay
ku nooleadna kayn nabadliyo dhul naruuro
joogtaanaxdin li'i ku hurudaa nabsiga
dhowri meysideee taa nabdiga geli oo soo
noqnoqoshadaha iga moodin nacasnimo anna
hadii aan ku naawilaynaqba waa la dhowraamarkii aan heestaa dhameeyey ayay Aamina aad iigu qososhay
waxayna ogaatey in jacaylku iga dhabyahay, Aamina runtii ehel uma ahayn heesaha
oo waxay ahayd qof diinleh balse way fahmaysey nuxurka heesta. runtii wax
yabaha aan Aamina ugu qushuucay ee jacaylka igu abuuray waxa ka mid ahaa,
Aamina oo ahayd qof aan marnaba been ii sheegayn. waxba kama
xigin in ay Aamina igu tidhaahdo ku jantay markii aan ku idhi waan ku jecelahay
sida ay sameeyaan dhalinyarada maanta joogtaa, balse Aamina waxay faham sanayd
in beentu tahay shay xaaraan ah oo iyada sharfteeda iyo karaamadeeda wax u
dhimaya. waxayna faham sanayd in beentu iyada ku soo noqonayso. waana sababta
keentay in Aamina habeen kasta igu tidhaahdo waan ka soo fekerayaa in aan
jacaylka wax kaala qabto iyo in kale. runtii wax yaabaha jacaylka igu abuuray
waxa ka mid ahaa daacadnimadii ay Aamina ii muujisay. habeenkii waxan seexday
aniga oo guul iyo guuldarro u dhexeeya balse si fiican ayaan u seexday wax
wer-wer ahna ma aan qabin habeen labaadkana waxan sugayaa natiiyada, laakiin
aniga go'aan ayaa meel ii yaalay go'aankaasoo ah in aanan Aamina ka hadhin
xataa haddii ay Aamina diido in ay wax igala qabato jacaylka sibiqda ugu galay.
waxan go'aan ku qaatay in aan Aamina habeenkasta gambadh ugu soo fadhiisto si
aan uga dhaadhiciyo jacaylka igu waa bariistey. habeenkii Aamina ila balantay
ayaan saacad ka hor tilifoonkii ku sii duldiyaar garoobey, abiga oo guul
filanaya, aad ayaan ugu rajo weynaa in caawa ay Aamina odhanayso jacaylka waan
kula wadayaa. xilligii ayaan soo garaacay tilifoonkii markii uu cabaar dhacay
ayay Aamina iga qabatay, si fiican ayaan codkeeda u bartay, mana ahayb nid iga
khaldamaya. markii aanu isa salaanay ayay Aamina igu soo dhowaysey weji furan,
si qurux badana way ii salaantay, mid la mid ah ayaan anna u gudbiyey, intaa ka
dib ayay Aamina igu tidhi, "walaal iska waran oo xaafaddiina ka waran?
anna waxan ugu jewaabay "walaal aad ayaa loo fiican yahay ee idina iska
warama carruurtiina ka waran? Aamina oo ay farxadi ka muuqato ayaa igu tidhi,
"walaal waa la wada fiixan ahay carruurtiina way wanaagsan yihiin oo
qolkan igu xiga ayay wax ku akhrisanayaan" intaa markii ay Aamina igu
tidhi ayaan ku idhi aniga oo la kaftamaya, " oo Aamina adigu minaad
habeenkii wax akhrisan? inta ay qososhay ayay igu tidhi, "walaal
wakhtigayga inta badan waxan ku qaataa wax akhris, marka aan salaada makhrib la
tukado ayaan shaqada guriga meel iska dhigaa, ka dibna qolkayga ayaan tagaa oo
wax ku akhistaa ilaa inta aan ka seexanayo, imikana kaba sii darano imtixaan
ayaan gelayaa, markaa markii aad soo garaacday ayaan buugii laabay oo is idhi
cabdilaahi la hadal" markii ay Aamina intaa igu tidhi, ayaan anna ku idhi
aniga oo aad u faraxsan dareemayana in Aamina soo dhowaatey, ayaan u mahad
celiyey kuna idhi, "walaal waad ku mahadsan tahay sida fiican ee aad ii
tixgelisey"Runtii intaa wixii ka danbeeyey waxan filayey in Aamina
go'aankii ay soo gaadhey ay ii soo bandhigto, aniga oo ku rajo weyn in ay tayda
igu raacayso, balse way igala xishootay in ay wax go'aan ah ii dhiibto, markii
aan arkay in Aamina iga xishoonayso wakhti danbena ay tahay ayaan anigu is hayn
kariwaayey waxana Aamina ku idhi "walaal Aamina go'aankii ayaan kaa
sugayey waxana rajaynayaa in aanad waxba ila diidanayn" intaa markii aan
Aamina ku idhi ayay igu yidhi, "walaal maxaad igu fallaysaa hablo iga
qurux badan ayaad helaysaaye" markii ay Aamina intaa igu tidhi ayaan anna
ku idhi "walaal adiga cid aan ahayn indhahaygu ma arkayanm haddii aan ku
waayona geeribaan ka xigaa" waxan ogaa in Aamina ay tahay inan naxariis
badan, sidoo kalena Aamina waxau ahayd inan qurux badan oo reer dhami ku indho
kuushaan, aadna loo kool-kooliyo, waxayna ka dhalatay qoys ladan, Aamina
da'ahaan way yarayd laakiin jidh ahaan iyo maskaxiyan ayay aad uga kortay,
Aamina waxa ka xaaraan ahayd in ay dibada u baxdo marka laga reebo muddada ay
ku maqan tahay waxbarashada, Aamina marka ay wadad maratso raggu kama ay jeesan
jirin quruxdeeda ninkastaana wuu u qushuuci jirey. Laakiin iyadu cidna salaanta
kama ay qaadi jirin. Hadaba markii aan Aamina
u sheegay in aanan la'aanteed noolaanayn, xaalkayguna khatar ku sugan yahay
balse aanay iiga jewaabin hadaladaa murugada leh ayaan u sii raaciyey maasadan.Naf Jacayl Sawaaboo Sanka kuu Dalooshoo Kuu Sudhay
Hoggaankaad u Sudaa Maqaarka'e Hawgaabin Seetada Sogsogti iyo Cadaadiyo Haku
Saydhin Laamaha..............Markii aan Aamina maasadaa qaaban u tiriyey ayay igu tidhi "horta
walaal barasho iiguma kaa dhina Nibaad Maakin Ku Baran Weydid Sanad Ku Baratid,
markaa C/laahiyow barasho iigu kaa dhimani ma jirto, in aan beenkuu sheego ama
aan ku lugooyana ma doonayo, waxanse kuu sheegayaa in aanu jirin go'aan cad oo
aan weli soo gaadhey, weliba ayaad ayaan ugu rajo weynahay in aan jacaylka ku
haya wax kaala qabto, waxanse kuu ballan waadayaa in aan habeen danbe haddii
ALLAAH ka dhigo in aan go'aan cad kuu keeno, wixii horena iska illow walaal wax
fiican ayaan inoo rajaynayaa haddii laysu keen qorayna ma jirto cid ina kala
celinaysaa walaal" markii ay Aamina hadalkaa isugu jira rajada iyo waanada
igu tidhi ayaan anna ku idhi "walaal waan qaatay hadalkaagii laakiin
walaal habeen danbe haygu dhaafin war fiicanna waan kaa sugayaa walaal"
intaa markii aan ku idhi ayay igu tidhi "walaal insha ALLAHAAH war fiican
ayaan kuu keenayaa si fiicanna u seexo wer werka iyo walbahaarkana iska jooji
sida iyo habeen cawan" habeen wacan ayaan anna ugu sii daray, runtii xilii
danbe ayay ahayd xaafaddiina keligay ayaa ka soo jeedey, dhalinyarada aanu isku
xaafadda nahay way ogaayeen in jacayl I haleelay marka ay arkaan aniga oo
telefoonka dhegta ku hayana waxay odhan jireen "ninkii C/laahi jacaylbaa
haleelay hadh iyo habeena telefoonka ayuu dhegta ku hayaa oo ku miyir
layahay" balse anigu hadalada dhalinyara dheg uma dhigi jirin oo waxa i
haya ayaa ka weynaa. Habeenkaa sidaa ayaan furaashkii ku tegey waxana deris ila
ahaa wer wer iyo walhabagaar jacayl, waxan habeenkii oo dhan isweydiinaya wixii
aan odhan lahaa haddii ay Aamina habeen danbe igu Tidhaahdo Ladabaalo Caashaqa,
su'aashaa iyo qaar kaleba waxay ahaayeen kuwii maskaxdayda ku abuuray
walbahaarka iyo hurdo la'aanta, habeenkii waa baasbaa ii baryey waxanna soo
toosay aniga oo aan il iyo baal isu keenin, cuntadii ayaan ka soo may dadka
inta wax garadka ah ee aanu isku guriga nahay waxay moodayeen in aan iska yare
xanuunsanayo balse dhalinyarada ayaa fahamsanaa in falaadh jacayl igu
taagantahay. Aamina ima oga waxa aan ku suganahay iyo dhinta jacayl ee I
haysata. Sidoo kalena Aamina kama ay war ahayn xaaladdayda nololeed iyo
duruufaha ku xeeran, ma jirin haba yaraatee wax adduun ah oo aan gacanta ku
haystey reer kayaguna waxay ahaayeen reer miyi waxay lahaayeen xoolo miyi,Aamina
oo ahayd inan xishood badan waxa keliya oo aan u sheegay in aan deganahay
xaafadda Badda Cas jaamacaddana aan dhigto, wax kalena Aamina ima ay sii
weydiin. Xiligii Aamina ila ballantay ayaan tilifoonkii soo garaacay rajo sida
u weyn ma aan qabin waxan ka wer-werayey in ay caawana Aamina igu tidhaahdo
habeen danbe, waxa keliya ee dawadayda ahi waa Aamina oo tidhaahda jacaylka
waan kula wadayaa. Tilifoonkii ayaan soo garaacay Aamina ayaa iga qabatay,
tilifoonkuna qolkeeda ayuu yaallay, markii ay Aamina telefoonkii iga qabatay
ayay salaan qurux badan igu soo dhowaysey, runtii codka Aamina ayaa wax tar
weyn ii ahaa qalbigayguna ku degi jirey. Markii aanu cabaar is waraysanay ayay
Aamina igu tidhi iyada oo ila kaftamaysa ee gaysana dareenkayga iyada ku aadan.
"C/laahiyow caawa maxaad filanaysaa? Aniga oo dareesan in Aamina ay caawa
go'aansoo gaadhey ayaan ku idhi "walaal waxan rajaynayaa in aad war
wanaagsan sidid, waxan rajaynayaa in aad inoo wadid wixii aynu ku gaadhi lahayn
mustaqbal waara, waxan rajaynayaa in aad caawa inoo furaysid albaabkii
jacaylka, adna aad dhicagaaga ila qaban dootid, Aaminay war fiican ayaann kaa
sugayaa" intaa markii aan ku idhi waxa Aamina uurkeeda ku jirana aanan
ogayn balse ay ka muuqato in ay soo diyaar garowdey go'aan cadna ay sid,
doonaysona in ay caawa runta ii sheegto. Aamina oo ila kaftamaysa ayaa igu
tidhi "C/laahiyow maxaad samaynaysaa haddii aan caawa ku idhaahdo HARUU
SOCO NASIIBKAA GEYAANKAAGA WAAD HELI" marka ay Aamina hadalkaa leedahay
waxay eegaysey dareenkayga, balse aniga waa ii qudhgooyo markii ay Aamina intaa
igu tidhi ayaan ugu jewaabay "walaal m haddii aad hadalkaa igu tidhaahdid
geeribaan ka xigaa, waxa keliya ee aan ku badbaadi karaa waa adiga oo caawa igu
yidhaahda Amba Kula Mid Baan ahay" markii aan Aamina intaa ku idhi ayay
Aamina oo ay ka muuqado farxad marbana ku dhufanaysa qosol googoosa ayay igu
tidhi "walaal C/laahi caawa si fiican ii dhegayso warka aan kuu hayo waxan
umalaynayaa in aanad weligaa ilaawayn" markii ay Aamina hadalkaa igu tidhi
ayaan ku idhi "haye walaal waan ku dhegaysanayaa ee warka soo daa"
Aamina oo marba qosol ku dhufanaysa ayaa igu tidhi "walaal C/laahi aad
ayaan u dareensanaa in jacayl ku haleelay, jacaykuna waa wax jira mana aha wax
lays kula yaabo,muddadii aan ku cel-celinayeyna xumaan igama ahayn ee adiga
ayaan ku xaqiijinayey in jacaylku kaa dhab yahay iyo in aad been uugu
sheekaynaysid, balse waxan ogaadey in jacaylku kaa dhab yahay daacadna aad
tahay, imika laga bilaabona wax walba waan kula qabanayaa, jacaylkana waan kula
daadihinayaa wax allaale wixii xagayga xaaga xidhmana aniga ayaa dhamaynaya,
diyaarna wax walba waan kuula ahay, imika laga bilaabona gacantaadii midig
ayaan ahay, wixii dhib hore ku soo gaadheyna iska illow walaal wixii wer wer
iyo walbahaar ku soo marayna niyadaada ka saar, jacaylkana kugu eegi mayo,e
dhinaca ayaan kula hayaa, waanna iskaa siiyey walaal" markii ay Aamina ii
soo bandhigtay in ay jacaylka dhinaca ila qabanayso warkaa farxaddalena ay
iidhiibtey. Ayaa markiiba neecow qabow ayaa jidhkayga saaqday, waxa ii baryey
waa cusub sidoo kalena niyaddayda ka naxay wixii wer-wer iyo walbahaar ahaa,
waxan noqday qof habiya muddo ayaan Aamina jewaab ku celin kariwaayey aniga oo
farxad awgeed isla maqan, cabaar ka dib ayaan soo miiraabay waxanna Aamina u
sheegay in aan farxad la miyior beelay, markii aan Aamina u sheegay in aan
farxad la miyir beelay, ayay ina oohin bilowday iyada oo dib u xusuusatay waxa
dhicilahaa haddii ay i odhan lahayd waxba jacaylka kaala qaban maayo, waxayna
ogaatey in aan sidaa u dhicilahaa, waxayna Aamina igu tidhi "walaal waxan
la ooyayaa haddii aan ku odhan lahaa waxba kula qaban maayo, malaha waad dhiban
lahaydba" markii ay Aamina hadalkaa igu tidhi iyada oo weli ooyaysa ayaan
ku idhi aniga oo aad u faraxsan, "walaal Aamina aammu, waynu guulaysanay
jecaylkeeniina wuu midho-dhalay arrinkeenuna wuxu marayaa halkii ugu fiicnayd,
wixii horena walaal iska illow" runtii Aamina waxay la ooyaysey oo ay
aamintey haddii ay i odhan lahayd waxba kula qaban maayo, in aan geeri ku
dhowaan lahaa. Aamina waxan ku qanciyey in ay wixii hore iska ilowdo, waxanna u
sheegay in ay jacaylka dhinaceeda ka adkayso, iyada oo Aamina ii muujinaysa
dareen naxariisleh ayay igu tidhi "walaal dhinacayga haka wer-werin imika
anaaba kaa daran oo jacaylku igu cusub yahay" runtii muddadii aanu Aamina
wada sheekaysanayney waxay ahayd habeenkii iigu wacnaa ee aan gaadhey
yoolkaygii aan muddada dheer rafaadka igu soo jirey. xilli danbe ayaanu aniga
iyo Aamina isku gaadhney, waxayna noqotay wakhtigii aannu kala seexan lahayn, waxan
Aamina ku sii maca salaameeyey hees uu ku luuqeeyo fannaanka weyn ee Xasan
Aadan Samatar heestaasoo oo ah mid aan ku ducaysanayey Aamina ugu muujinayey in
ay tahay tii aan doonayey waxann aku bilaabay sidan.Damiir hal adeegnimiyoquruxda lagu daahayeedarandar indhii arkaanmarnaba daymada kadaalinetimaha kala degay dusheediyo ooilkaha dabarkaley dileewaxaan dumar daydayoonmid iidana raadiyabahadaan taan doonayee ilaahaykaducaysan jirayanagu dejiyeyshelneerabbow isu kaaya daaadadnimo dhaqankeeda iyoquruxda lagu deyrayeedadkaba ruuxaysbartaankolnaba diiqad aanan gelinineedegeni socodkeeda iyooooo oooooooodibnaha madowgaleey dileeeeewaxaan dumar daydayoonmid iidana raadiyabahadaan taan doonayee ilaahaykaducaysan jirayanagu dejiyeyshelneerabbow isu kaaya daaa.markii aan heestaa aan ku ducaysanayey aan dhameeyey ayay Aamina oo aad u
faraxani igu tidhi "dee walaal C/laahi fanaan baad noqotay, mise jacaylka
ayaa kaa keenaya heesaha jacaylka ah, ee kaa soo burqanaya" aniga oo aad
Aamina ugu faraxsan ayaan ku idhi "bal Aaminay yaan ku arag adiga oo
maalin dhow heesaya" inta ay Aamina qososhay ayay igu tidhi, "in la
arko aniga oo heesaya ayaa lagayaaba, sida wax u socdaana kama fursanayso in
aan heeso jacayl ah kuu soo qaado, waana la arki doonaa aniga oo kaa badiyey
C/laahiyow" aniga oo hadalka Aamina ku faraxsan ayaan ku idhi "waa
lagaa sugayaa Aaminay heeso jacayl ah" inta ay qososhay ayay tidhi,
"waaba la ogaan heesaha jacaylka ah ee aan soo bandhigo" runtii
Aamina ehel uma ahayn heeso balse waayaha jacaylka ayaa bari-doon. habeen badh
ayay noqotay intii aanu Aamina hada hadlayney, Aamina ayaan u sheegay in ay
xilli danbe tahay. Aamina oo hadalkayga xiisaynaysa ayaa igu tidhi "walaal
waxan moodayey in aynu saacad wada hadlayney, maba moodayn in ay habeen badhtahay"
fadxad ayaanu habeenkaa Aamina ku kala seexanay, waxay ahayd habeenkii iigu
farxadda badnaa muddadii aanu Aamina wada sheekaysanayney, waa habeenkii aan
gaadhey hadafkaygii ugu weynaa ee aan muddada dheer rafaadka iyo hurdo la'aanta
ugu soo jirey. waa habeenkii aan gaadhey yoolkaygii ugu muhiimsanaa oo ahaa in
aan Aamina soo xero geliyo. inkastoo aan guulweyn gaadhey hadana waxa adkayd
sida Aamina muuqeeda loo arko,muddo dheer ayanu tilifoonka ka wada
sheekaysanayney. runtii Aamina oo aanu hore u soo marin jacayl ayaa waxa
haleelay jacayl, waxayna gaadhey heer ay seexan weydo ilaa ay ila soo hadasho.
iyada ayaa iga wer-wer iyo walbahaar badnayd, markastana waxay soo garaaci
jirtey telefoonka, halkii aanay markii hore ku soo dhici jirin in ay telefoonka
soo garaacdo inta ay xishood ka qabto, balse markii danbe jacaykiibaa ka xoog
badatay kuna qasbay in ay markasta telefoonka soo garaacdo. waxa Aamina la
deris noqday nabar jacayl, waxay dhex gashay mowjado jacayl ah. muddo sagaal
bilood ah ayaanay noo suura-gelin in aanu Aamina is aragno waayo, sida aan hore
u soo sheegay Aamina waxay ahayd inan aan gurigooda ka soo bixin, marka laag
reebo muddo gaaban oo ay ku maqantahay wax barashada, Aamina waxay ahayd gabadh
aad loo kool-kooliyo waxay ku noolayd nolol raaxo leh, halka aan anigu ka soo
jeedey qoys sabool ah, reer kayaguna ay ahaayeen reer miyi. balse Aamina ma
ogayn waxa aan ku noolahay, muddo sagaal bilood ah markii aanaan is arag oo
aanu telefoonka uun ka wada sheekaysanayney, ayna adkaatay in aanu fursad isu
helno, ayaa waxa soo gashay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, bisha Ramadaan
awgeed ayaa Aamina hooyadeed u ogolaatay in ay salaada taraawiixda ku soo
tukato masaajid aan sidaa gurigooda uga fogayn. iyada oo Aamina tixgelinaysa
jacaylka qotada dheer ee naga dheexaya, ayay igu wargelisey in ay habeen danbe
ila kulmayso. runtii aniga waxay igu noqotay u qaadan waa waayo, marnaba
niyadda ma aan gashan Aamina ayaad la kulmaysaa oo aad arkaysaa. aniga oo aad
ugu faraxsan bushaarada Aamina ii sheegtay ayaan ku idhi "walaal miyaad
igu ciyaaraysaa mise waa kaa dhab,walaal waxa u qaadan waa igu noqotay qoftii
Aamina ee aad muddada sagaalka bilood ah is arki weydeen ayaa habeen danbe kula
kulmaysa"inta ay Aamina qososhay ayay igu tidh "walaal C/laahi ma
waxad isla ahayd marnaba kuu suura-gelimayso in aad i aragtid" aniga oo u
qaatay in aan Aamina la joogo ayaan ku idhi, "walaal marnaba niyadda ma
aan gashan Aamina ayaad la kulmaysaa ama aad jaanis u helaysaa,imikase waxay
iiga dhigantahay aniga oo ku arkay, mar haddii aad tidhi habeen danbe waynu
kulmaynaa" Aamina ayaa hadalkii qaadatay waxayna igu tidhi ‘C/laahiyow
miyaad garanaysaa sababta keentay in aynu habeen danbe kulano? aniga oo aan
garanayn sababta keentay in aanu Aamina habeen danbe kulano, ayaan ku idhi
"walaal ma garanayo sababta keentay in aynu habeen danbe kulano waayo,
waxan ogaa in aan laguu ogolayn in aad meel u baxdid, mar haddiise aad tidhi
waynu kulmaynaa caawa waxay iila mid tahay inaga oo kulanay, sababta inoo
suura-gelisey is araggeena ii sheeg walaal? Aamina oo ay ka muuqado farxad iyo
qosol googoosa ayaa igu tidhi "walaal C/laahiyow haddii aad ogaan lahayd
sida aan kuu jecelahay marnaba niyadda ma aad geliseen Aamina ay kuu iman
weydey, haddii aan awoodi karayo ama aan jaanis helayo marnaba kaama dul
dhaqaaqeen, markastana adaan dhinacaaga taagnaan lahaa, markastana waan kula
joogi lahaa, jacaylka aan kuu qabo ayaa walaal iga awood batay, wuuna igu sii
fiday, wuxuna igu reebay xusuus iyo wer-wer iyo walbahaar, imikana labadeena
aniga ayuu jacaylku igu daran yahay, maalmaalin ayaan kici kariwaayaa oo aan
xanuun jacayl la jiifsadaa, sababta keentay in aynu habeen danbe kulano waxa
weeye, hooyo ayaa ii ogolaatay in aan masaajid nagu dhow aan ku soo tukado
salaadda taraawiixda, markaa aniga oo tixgelinaya jacaylka iyo baahiyaha aynu
isu qabno oo ay ugu weyntahay is arag la'aantu, waxan xalkeena iyo
mustaqbalkeenaba u arkay in aynu ka faa'iidaysano inta Ramadaanta , intaa
salaada lagu jiro ayaan wakhtiga kuu soo hurayaa oo aan kuu iminayaa, markaa
C/laahiyow sidaa ku bushaarayso, habeen danbena waan kuu imanayaa haddii ALLA
ka dhigo sidaa ku seexo oo ku soo toos" aniga oo aad ugu faraxsan
kulankayaga ogna sida aanu isugu bohol-yowney ayaan Aamina ku idhi "walaal
caawa war fiican ayaad ii sheegtay aad iyo aadna waan ugu faraxsan ahay,
kulankeena habeen danbe, koley marka aan ku arkona waan ka sii darayaa oo
jacaylku wuu igu sii fidayaa, markaa walaal waxan inoo rajaynayaa kulan xiiso
badan, habeenkaasina wuxu inoo noqon doonaa habeen taariikhiya" intaa markii
aan Aamina ku idhi ayay hadalkii qaadatay waxayna igu tidhi "waa runtaa
C/laahiyow habeenkaa aynu kulanaa wuxu noqon doonaa habeen taariikhiya albaab
cusub oo kalena inoo fura, jacaylkana dhinacaaga ka adkay C/laahiyow waxan ka
baqayaa in aad jacaylka igu sii deysid, waana inoo habeen danbe haddii ALLA ka
dhigo iyo kulan xiiso badan, kolay waan kaa xishoonayaa oo ku eegi-karimaayo,
horaa loo yidhi, Indho Is Jeceli Isma Eegi Karaan, markaa C/laahiyow haddii aan
indhaha ku siin kari-waayo hayla yaabin, waa iga jacayl" sidaa ayay Aamina
hadalkeedii ku soo afmeertay iyada oo afeef sii dhigatay. runtii Aamina waxay
ahayd inan aad u xishood badan, anna waxan ahaa wiilkii ugu horeeyey ee Aamina
la sheekaysato, weligeedna nin afka uma ay kala qaadin. waxana Aamina ku
qanciyey in aanay iga xishoon ee ay igu soo dhiirato, waxayna Aamina igu tidhi
"walaal intii karaankayga ah ee aan qajilaada iskaga biin karro waan ku
dedaalayaa" habeenkaa Aamina waxanu ku kala seexanay farxad, waxanu ku
ballanay habeen danbe iyo goob labada xaafadood u dhexaysa iyo todobadda
fiidnimo. Aamina waxay jaanis haysataa muddada gaaban ee salaadda taraawiixda
lagu jiro, wixii intaa ka danbeeya waxa looga fadhiyaa guri in ay in yar dib u
dhacdona looba ogola. markii ay xilligii aanu balanay ay ku dhowayd ayaan
Aamina tilifoon u soo diray, waxanna u tilmaamay goobtii ay iigu iman lahayd,
meel kaabad ah ayaan ku idhi waan kuu sii fadhiisanayaa ee iigu kaalay. markii
aan imi kaabaddii ayaan ugu imi nin fadhiya, ma kala garanayn in uu cid kula ballamay
iyo in kale, mana aan odhan karayn meesha ka kac waayo, waxay ahayd meel dadka
ka wada dhexaysa. markii aan ninkii cabaar ku dul wareegay welina aanay Aamina
soo muuqan ayaan macmacaale aan sidaa iiga fogayn ayaan sharaab u doontay,
markiiba Aamina ayaa goobtii timi iyada oo soo badh tilmaameedsanaysa kaabaddii
aan u tlmaamay. Ninba Meesha Bugtaa Isagay Belbelshaa, markiiba waxa niyaddayda
ku soo dhacday Aamina oo joobtii timi oo ninkii meesha fadhiyey ku moodey, si
dhakhso ah ayaan macmacaalihii uga soo boodey markiiba waxan isha ku dhuftay
inan dheer oo qurux badan oo ninkii dultaagan. markiiba waan gartay in ay
Aamina tahay, nasiib wanaag markii hore ayaan Aamina tilmaantayda u sheegay
xataa maryaha aan soo xidhanayo waan u sii sheegay, tilmaan cad ayay Aamina iga
haysatey. si deg deg ah ayaan macmacaalihii uga soo boodey, nasiib darro intii
aan soo socdey ayay Aamina ninkii la hadashay iyada oo aniga i moodaysa ayay
markiiba ku tidhi, "Salaama calaykum C/laahi" isna wuxu ugu jewaabay "calaykum
wa salaam" marnaba Aamina goobta kama filayn cid aan aniga ahayn, markiiba
Aamina ninkii il-qoodha ayay ka eegtay waxayna aragtay in aanu lalahayn
calaamadihii aan u tilmaamay. Balse iyada oo Aamina ku adkaysanaysaa in aan
anigii ahay ayay ninkii ku tidhi "walaal miyaan raagey? Runtii nin
af-miisara ayuu ahaa inta uu saacadda uu xidhnaa eegay ayuu Aamina ku yidhi
"haa.... Waad yare absaantay" wuu arkay in ay tahay gabadh soo
khaldantay, balse markii uu arkay quruxda Aamina ayuu damaaciyey, wuxuna la mid
ahaa waraabe godkiisii adhi ugu soo galay. Inta uu Aamina la hadlayo anna waan
soo ordayaa, markii aan wax yar u soo jirey ayuu kacay, wucuna Aamina ku yidhi
"meesha inaka yare dhaqaaji" markii uu kacay ayay Aamina aragtay in
ninkani yahay curyaan. [Laangadhe} uuna yahay nin weyn oo dadii aan u sheekay
aad uga weyn yahay. Aamina markii ay aragtay ninkan curyaanka ah ayay naftiiba
ka baxday, waxan isa soo barbartaagey Aamina oo ninkii kuleh "waar maxaad
beenta iigu sheegtay? Isna uu leeyahay "waxba malaha walaal ee ina
mari" markii aan isa soo bar-bartaagey ayay Aamina isoo eegtay aniga oo
aan la hadlin ayay igaratay, markii ay aragtay in aan C/laahi ayay igu soo
boodey, markii aanu isku salaanay salaan xanbaarsan kalgacal iyo naxariis ayay
Aamina isku dayday in ay ninkii oo halkan taagan, oo aan weli quusan in ay la
dagaalanto. Balse aniga ayaa ku qanciyey in ay faraha ka qaado, waxanna ku idhi
"walaal Aamina inaka daa waa nin curnaana'e ee inaka mari" intii
aanaan halkii ka dhaqaaqin ayay Aamina oo inta ay xishood ka qabto, indhaha I
siin karila, indheheedana ay ilmo ku soo taag-taagantahay ayaa halkii iiga
qaaday hees qurux badan oo ay iigu muujinayso in jacaylku ka dhab yahay, sida
aan anigu jacaylka ugu abuuray, waxsayna ku bilowday sidan.sidaad ii ogeyd baanadiga moyee ragba ilaawaysidaad ii ogeyd baanubax la moodyow kuu amaanaasidaad ii ogeyd baanaxdigeenii u adkeeyaamiyaad ogeynmiyaad ilawdayinaad jacaeyl igu abuurtayuurkeygana ku darantahaymaba ilaaweesidaad ii ogeybuuafku hadalkii iiga xadayaasidaad ii ogeyd baanereyadadii uugu heesaasidaad ii ogey baanadiga awgaa aan u ooyaamiyaad ogeynmiyaad ilaawdayinaad jacayl igu abuurtayuurkeygana ku darantahaymaba ilaaweesidaad ii ogeyd baanala ku aawey kuu idhaahdaasidaad ogeyd baanoon aan kuu qabokuu il daranahaysidaad ii ogeyd baanaragtidaadii ku istareexaamiyaad ogeynmiyaad ilaawdayinaad jacaeyl igu abuurtayuurkeygana ku darantahaymaba ilaaw ee Dunidaan dibjirkeeda dayaxa laalaayo,
dunidaan da'yarteeda dagaalka loo carbinaayo, dunidaan duqowdeeda nabada aan
doonayn, dunidaan labadii is doorato dakano layskugu diidaayo dabkeeda ma yara,
ana inaan daacad kuu ahay marna aanan ku dageynin damiirkaada u sheeg,
wadnaheyga dushiisa iyo beerkeyga dacaladiisaan darin kuugu dul fidinayaa
dareen la' aan ku dul seexo, hadaadan intaas ku daganeynin laabtaada sii
danqaneyso dartaa waalidkeyga ha ii dilo ama duhurkaan ha ii deyrsho deg deg
daartaada igu geyso.
