
XIKMADO
Bini'aadanka saddex baa mustaqbalkiisa ugu shiddo badan:- a) Saacadda uu moowdka lakulmayo. b) Saacadda uu qabriga kasoo baxayo. c) iyo saacadda Allaah uu hor istaagayo. Adduunku waa saddex maalmood: - a) Maalin tagtay oo aan kugu soo laabanayn. b) Maalin aad kudhex-jirto oo qorraxdeedu dhici doonto. c) Maalin soo socota oo aadan garanayn xaalkeeda iyo ehelkeeda
WALAALAHU WAA SADDAXA:-
a) Walaal Aakhiradaada u roon(kuxusuusiya). b) Walaal aad adduun ku walaaloowdeen. c) Iyo walaal layska weheshado oo aan meelna ku fiicnayn.
SADAX LAGAMA DHERGO:
Nolol lagama dhargo. b) Maalka lagama dhargo. c) Caafimaadkana lagama dhargo.
SADAX KUGUMA WAARAAN:-
a) Daruurta hooskeeda. b) Saaxiibka dhalanteedka ah. c) Ammaan aan run ahayn oo lagu ammaanay. Raggu waa saddex nooc:- a) Nin carrabka nin ka ah. b) Nin naftiisa nin ku ah. c) Nin maalkiisu nin kadhigay. Waxaana nin dhab ah, ninka Naftiisa ninka ku ah (isku kalsoon)
arrimood ayaa intuu noolyahay lasocdaa, waana laba labo
a) Labo waa horsocotaa, waana hawo iyo hunguri .b) Labana waa hareer socotaa, waana faa'iido iyo khasaare. c) Labana waa daba socotaa, waana gaboow iyo geeri. Aan ka faa,iidaysano Macnaha kujira Gabaygaan diiniga ah.
AFAR HADAD JECESHAHAY AFAR DARYEEL
Haddii aad Jeceshahay Farxadda Nolashaada daryeel Caafimaadkaaga. 2. Hadii aad barwaada jeceshahayna daryeel dabeecada 3. Haddii aad waaritaan jeceshahay daryeel Caqligaaga. 4. Hadii aad waxaas oo dhan isku jeceshahayna daryeel Diintaada.
NAAGTA AFAR KAAF BAA LAGU QABAA
1. Kaalay 2. Keen 3. Kari 4. Kajoog Sababta oo ah, afrtaa kaaf haday naagtu diido dhaqmaad ma leh dhigid ma ogiye, kaalay sariirta haday diido naagtu dhaqan maleh , keen waxaas haday diido o ay dhago adkaato naagtu dhaqan ma leh ka joog waxaa haday diido oo ay Madax adkaato naagtu dhaqan ma leh heblaayo waxaan noo kari haday diido ayaduna dhaqan ma leh
AFAR HORAA LOO DHAMEYS TIRAY CILMIGOODA
1 Uunka. 2. Dhaqanka. 3. Risaaqa . iyo 4 Ajasha5
NAAGATA AFAR WAA IN AY UDGOONAATAA 1
Afka 2. Kilkisha 3. Sanka 4. Iyo Alaabeeda (Cambarka)
NAAGTA AFAR HA U DHEERAATO
1. Dhabarka. 2. Faraha 3. Gacmaha 4. Iyo Lugaha
AFAR AFAR KAMA DHEREGTO
Dhul biyo kama dhergo . 2. Dheg war kama dheregto
Il eegmo kama dheregto
Naagna Nin kama dheregto
AFAR QIIMOHOODA WAXAA OG AFAR
Dhalnyarnimo qiimaheeda waxaa og waayeelnimo. 2. Nabad qiimaheeda waxaa og colaad. 3. Fayoobid qiimaheeda waxaa og cudur. 4. Nolal qiimahadeeda waxaa og geeri
No comments:
Post a Comment