Sunday, April 19, 2015

Imise ayaa ku filan qof bili aadanka ah in uu hurdo

Cilmi baarayaal ka socda ururka hurdada Mareykanka ayaa sheegaya inay jiraan baahiyo kala duwan oo hurdada ah oo ay qabaan koox da’aad kasta, sidaa daraadeedna adiga waa intee baahidaada hurdo?
Inta badan dadka waa ay yaqaanaan marka aysan helin hurdo aan ku filneyn balse imise ayaa ku filan qofka? Cilmi baarista dhawaan ay Mareykanka sameeyeen ayaa sheegeysa in jawaabta ay ku xiran tahay da’ada.
Joogteyn la’aanta waqtiga hurdada, waxyaabaha kiciya jirka sida qaxwaha, cabitaanada awoodda keena, saacadaha lagu kaco iyo iftiinka maalinti ayaa ah waxyaabo dhammaan wax ka badala wareegga loo yaqaano saacadda jirka.
Ururka hurdada Mareykanka oo ah urur gargaar oo deggan Virginia ayaa sheegaya in nolosha shaqsiyadeed ee qofka ay fure u tahay fahamka baahida hurdo inkastoo ay jiraan talooyin badan iyadoo la fiirinayo inta aad jirto.
Caruurta marka ay dhashaan ilaa 3 bilood ayey tahay inay hurdaan inta u dhaxeysa 14 ilaa 17 saacadood maalin kasta. Waxaa kaloo la sheegayaa in 11 ilaa 13 saacadood ay ku filan tahay. Laguma taliyo in wax ka badan 19 saacadood uu jiifo cunugga.
Caruurta u dhaxeysa 4 ilaa 11 bilood ayey tahay inay hurdaan 12 ilaa 15 saacadood. Saacadda ugu yar oo ay tahay inay hurdaan ayaa ah 10 saacadood, mana ahan inay hurdaan wax ka badan 18 saacadood.
Hal ilaa labo jir caruurta ahna, waa inay hurdaan inta u dhaxeysa 11 ilaa 14 saacadood, waana hurdi karaan 9 ilaa 16 saacadood.
Kuwa ka yar da’ada dugsiyada oo jira 3 ilaa 5 sano ayey tahay inay hurdaan 10 ilaa 13 saacadood. In ka yar 8 saacadood ama ka badan 14 saacadood ma haboona inay hurdaan.
Caruurta dugsiyda ku jira oo u dhaxeeya 6 ilaa 13 sano ayaa lagu taliyay inay hurdaan 9 ilaa 11 saacadood. Wixii ka yar 7 saacadood ama ka badan 12 uma wanaagsana caafimaadkooda.
Kuwa jira 14 ilaa 17 waxaa lagu taliyaa inay hurdaan 8 ilaa 10 saacadood, waxaana laga digay hurdada 11 saac ka badan iyo midda ka yar 7 saacadood.
Dhalinyarada da’adoodu u dhexeysa 18 ilaa 25 ayey tahay inay hurdaan inta u dhaxeysa 7 ilaa 9 saacadood balse wixii ka yar 6 ama ka badan 11 ayeysan habooneyn.
Dadka waaweyn ee u dhexeeya 26 ilaa 64 ayaa iyana la mid ah dhalinyarada halka kuwa jira 65 iyo wixii ka weyn ay caafimaad u tahay inay hurdaan 7 ilaa 8 saacadood maalinkii. Waxaana lagu taliyay inaysan hurdin wax ka yar 5 saacadood ama ka badan 9 saacadood.
Qubarada hurdada ee ururka NSF ayaa daabacay talooyin dhowr ah oo kor loogu qaadayo tayada hurdada. Waxaana ka mid ah in ugu horeyn laga dhigo midda ugu horeysa hurada. Talooyinkooda waxaa ka mid ah:
In la joogteeyo jadwalka hurdada xitaa hadii ay tahay maalmaha fasaxa.
In la sameeyo waqti sariirta lagu nasto.
In la hubiyo heerkulka, dhawaaqa iyo iftiinka qolka jiifka.
In lagu hurdo joodari iyo barkin raaxo ah.
Ka fogow waxa hurdada xada sida waxa jirka kiciya.
Iska dami qalabka elektaroonikada ka hor jiifka.

No comments:

Post a Comment