Wednesday, August 19, 2015

Warbixin: Jaceylka hadii uu ku dhibo miyaad ciqaabi kartaa

Jacylka oo ku bilowda rabitaan qofka gala mudo kadibna waxa uu ku faafaa qalbiga qofka isaga oona maraya wadooyin badan oo ku xariira caashaqa.
Jaceylka waxa uu cadaadiyaa nafta waxa uu ku geliyaa cariiri iyo fikir aan dhaman waana waqtiyada uu kaa maqan yahay qofki kugu lamaansanaa.
Jaceylka malahan maxkamad lala tiigsado ma aha shey gacantu qaban karto islamarkaana aad cadaadin karto.
Howl jaceyl hadii aad isku habsaamiso waa hubaal inad heleyso wehel ku gacan qabta balse jaceylkaasi aad farxada kala kulmeyso waxa uu waqtiyada qaar ku haleelin karaa murugo sida aad kaga baxdo ay adag tahay.
Hadii aad xumeyso qofka aad jeceshahay waxa ay arintaasi kenta naceyb fogaansho ay ku dheehan tahay in aad u qaado qofka aad jecleyd.


XIGASHO Ilowareed.com

Sunday, April 19, 2015

akhlaaqeey-inoo-soo-noqo-

Ummad kastaahi waxeey leedahay qaab ay nolosheeda u maamulato, isula xiriirto, danaheeda ku gaadho, wax kastana ku wajahdo. Qowmiyadeenna Soomaalidu
sida guud, waa dad run ahaantii sanji iyo isir fiican ka soo jeedda, oo ka awoow ka awoow lahayd qaabab ay nolosheeda u maamulato.
Ma ahan wax wanaagsan in masiirka dadka Soomaaliyeed oo dhan lagu saleeyo rubuc qarni ay masiibo rabbaani ahi heshay, ee waa in loo xagliyo wanaaggooda iyo daruufahooda, loona xooriyo danahooda.
Haddaba dunida casriga ahi waxaa ku soo kordhay awood iminka kuba dhow in ay noqoto mid iskeed u taagan oo darawaleynta nolosha aadanaha oo dhami lagu aamino, waana awoodda tignooloojiyadda casriga ah.
Waxaay kuu sahleysaa mirir gudihiis wax badan oo aadan ku qaban kari lahayn sannaddo, bilo iyo toddobaadyo, dunidii oo dhan ayaa isku shubtay oo faraqa u gelisay waxeey xog iyo sir lahayd.
Siyaabo kala duwan ayaa loo adeegsadaa, aqoonta, caafimaadka, baaritaanka howlaha sirdoonka, habsami u maamulidda heyadda, iyo siyaabo kale oo badan.
Tan kale oon meesha ka marneyni waa iyada oo dunidii oo dhami ka dhigtay, wax koob qur ah ku wada jira, oo sahal isu gaaraya, adoo Yurub ku nool baad reerkiinnii oo Africa dacal ka deggan sahal kula xiriireysaa.
Adoo dhulkii hooya jooga baad laxankaaga oo Awstreeliya deggan codkiinnu is gaarayaa, intaas waxaa dheer, bogagga xiriirka bulshada oo ka mid ah qeybaha tignooloojiyada ugu muhiimsani in eey  maalin kasta soo badanayaan, siyaabo kala duwan ayaana looga faa’iidaystaay iyaga oo qur ahi, weliba markaad aad ugu sii kuurgasho runtii ciddii rabta in eey wax wanaagsan ka qabsato, aad beey ugu dhowdahay.
Laakiin haddaannu isu dhab hadalno, badankeen dadkeenna Soomaalida ahi Social Media-hii waxaannu ku noqonnay DABBAAL DABA ARKAY! sideey tahayna ugama faa’iidaysanno, dambi, husmi iyo qabyalaaddana waa ku faafinaa, xumaha aannu isku yeeli karno fool-ka-fool mid ka qota dheer baannu isku dhex yeelnaa, intaas waxaa dheer, rag iyo dumar kulligood wada jinsi doon ah, oo aad mooddo in qasabado laga soo furay ayaa ku soo yaacay, oo ma la qabaa, xaas ma tahay, ma duq-baa, ma hooyo carruur dhameysaa, horta nin ma rabtaa, aan lahayba.
Dhanka kale waxa dhibbani ma ahan haweenka (gabar iyo garoobba leh) ee waxaa dhib intaas u dhigma iyana ku qaba raga qaar, oo iyagana gabdho iyo haween da’ ah intaba isaga tag waayey, iyagana aan la dhaheynin boos ma ka bannaan yahayba mise afartii diintu u bannaysayba amaba jagaba waa ka buuxdaa.
Bal haddee waxaa tol iyo ummad wada dhalatay Lagu yahay in la is turxaan bixiyee, meeyey akhlaaqdeennii aannu caanka ku ahayn?
Maxaa ka khaldan qolyahaan inaga midka ahi ee u heysta waxa qalqi ah ee meesha u jiraba in eey nimandoon iyo naago doon wada yihiin?
War heedhe xaajadu sidaas maahee, bal aannu dib u miliilicno, oo inta cagaha dhulka inoo dhigtiin, sheekooyinka qaar meel laga bilaabaa jirtee meelahaa aannu ka abbaarno, haddaad aragto in aad soo qaldantayna cuqdo ha u qaadin qofkee aayar iska tag, oo iska tartiibso, meeshu waa bog xiriir bulsho, duniduna diimiqoraaddi weeyaane qasab ma jiree.
Aan ku sii daree, taleefoonnada free-ga ah ee Viberka, kan Facebook laga soo dhex waco iyo wixii la halmaalana, ayaa iyagana dhib inteeda wadata la yimid.
Soow ma habboona inta aadan qofka wicin in aad eegto waqtiga dalka uu ku nool yahay, ileyn dunidii oo dhan baannu ku kala fidsan nahay, oo ilaa iyo cirrifka waqooyi Soomaali deggan baa laga sheegee?
Soow ma haboona in aannu iska deyno  sacad kasta wicista haddaad qofkii heshana xitaa aan muraadkuba dhaafsiisneyn ISKA WARRANTA, IYO SI KALEDA, MA LAGU QABAADA, Middaad garoobnimo ku ogeyda MA GUURSATADA?
Waxaa dhacda in hurdada la isaga salaliyo saq dhexe, waxaan horey ku soo sheegay iyo wax ka sii macna hooseeya.
Aanba ku noq-noqdee Soomaali haddaannu nahay dhaqan baannu leennahay asluubtii oo dhamina dhaqankeennaas iyo diinta muqaddaska ah ee anu amiinsannahay  ayeey ku urursan tahay kuna dhan tahay, haddaannu kaas ilaashino isagaa wax kasta innaga kaafinaya,
Awoowayaasheen miyi iyo magaalo waxey sameyn jireen markeey guurdoon yihiin, ama ay rabaan in eey gabar ama carmal (garoob) oogaadaan in la qabo iyo in kale, dee xiligoodii in kastoo aannuu teleefoona jirin balse si kaleen wax ku dabaran jireen.
Adiga marka kaama kaafiso taleefoon xun oo aad qofkii aad gaadniinka ugu jirtay aad raaxadda kaga qaadee, waa la soo daraasadeeyaa dee, sidii awoowayaasheenba yeeli jireen, markaasaa aayar loola yimaad sheeko yaroo soconeysa.
Tan kale adoo toban sanno jira sideey ugu tiraahdaa, hoyadaa oo kale ama qof dumar ahoo kuba dhali karta, MA LAGU QABAA? Aaway akhlaaqdii? Macquulba maahane bal taana aannu iska saxno weey innaga yara qalloocan tahaye.
Salaanta ayaa iyadana waqtiyadeedu dhibi innaga heysataa, oo  xili ay munaasab tahaa jirtee soow ma ahan in aannu u meel dayno wicista, oo qofkoo soo jeeda, shaqana aan lahayn aannu ku aadinno, qoraal yar baad u diri kartaa qofka ileyn waa inagga waxa casrigaas mareynee, intaasana kaaga filan ood  tiraahdo MA HADLI KARTAA WALAAL IN AAN KULA HADLAAN U BAAHANAHAYE! Dadka aan ka hadlayaahi kuma jiraan inta ay goor walba wicistu ka dhaxeyso, laakiin waa salaamaha iska fiidmeerta ah ee iska soo duula uun, iyadoon dan weyn oo buurran oo dabada ka riixeysana aan wadan.
Hadde laba waxba kama dhexeeyaane, in aannu bi’ni aadan nahay oo aannu u dhaqanno sidii dad garaadkoodu dhan yahay iyo in aannu ahaano dad iska nool laakiin jahaduba ka maqan tahay, ee bal soomaliyeed aannu ogaano in qofka ood taleefoon hurada kala salalalisaahi ay la mid tahay adoo duhur iyo xilli xun oon dadka la booqan gurigiisa u garaacday oo kale. Waana waajib diini ah in aad ilaaliso xilliyadaad dadka booqaneyso.
Waxaa iyadana marag ma doonta ah, in aannu ilaalinno akhalaaqdeenna guud ee bulsho, waxaa ku xiran in aannu isfaham ballaaran oo dhexdeenna ah helno.

w-q-aamina-muuse-weheliye

Sheeko Dhab Ah oo dhacday

Nin ayaa hada kahor nin ku hor arkay guri isagoo tuuksanayo waxa uu yiri:
“War nin yahoow maxaa ku hor istaajiyey gurigaani?
Ninkii kale ayaa ugu jawaabay “Gurigaan waxaa degen (Hooyadeey wiil ay dhashay Gabar uu qabo gabar la dhalay ayaa dhashay wiilka gurigaan degen).
Ninkii kale inta uu ku qoslay ayuu ku yiri war ma waxaad weysay cid aad tuugsato mise waxaad ku tuuksataa aqoon?
Ninkii guriga hor taagnaa inta uu yaabay ayuu ku yiri: Sxboow waxaad tahay ruux wanaagsan waana qaadanaa taladaada wanaagsan waana ka hor tagaa hadda.
Ninkii markii uu baxay ayaa al-baabka la furay isagoo horay loogu soo qaaday raashinkii subaxaasi loogu tala galay balse waxaa al-baabka guriga hor taagnaa ninkii kale.
Wiilkii guriga deganaa ayaa inta uu la yaabay ayuu ku yiri: “Adeer meeye hebel isaga oo kaliya ayaan wax siinaayee?
Ninkii tuuksanaye inta uu yaabay ayuu ku yiri: Tuuksi macaamil ma galo balse waa meeshii laga soo gaaray mida kale maanta isagaa isoo tilmaamay ina dhahay iisoo qaad.
Ninkii marka hore guriga ka tuuksan jiray ayaa inta uu usoo jeereeyey ku hor arkay guriga ninkii saaxiibkii ahaa ee waaninaye inta uu miskaha qabsaday ayuu ku yiri: “War Saaxiibow waxaan ku mooday nin wanaag igula talinaye Laakiin Maanta ayaan arkay sida aad tahay ee dhib malahan”.
Kkk War Tuuksiga qaraabo malahan balse waxaan diidaye in aan kaligaa subax waliba cunto.
Maalintii dambe ninkii hore ee tuuksiga laga raacdeestay ayaa fakiray kuna fakiray sidii uu kaga ceshen lahaa raashinka lasiin jiray ee ninkaani saaxiib ah uu kala wareegay.
Isagoo ka fakiraya arinta heysata ayuu yiri: “Hadaan iska dhigo ruux waalan oo aan tuuryeeyo guriga uu iga boobay tilaabadaasi yaa iga hortaagan?.
Maxaa kaaga baxay Sheekadaani Walaal Fikirkaaga waa Muhiim!!!



( W/Q: Bashiir MAx’uud Yuusuf BK )

Imise ayaa ku filan qof bili aadanka ah in uu hurdo

Cilmi baarayaal ka socda ururka hurdada Mareykanka ayaa sheegaya inay jiraan baahiyo kala duwan oo hurdada ah oo ay qabaan koox da’aad kasta, sidaa daraadeedna adiga waa intee baahidaada hurdo?
Inta badan dadka waa ay yaqaanaan marka aysan helin hurdo aan ku filneyn balse imise ayaa ku filan qofka? Cilmi baarista dhawaan ay Mareykanka sameeyeen ayaa sheegeysa in jawaabta ay ku xiran tahay da’ada.
Joogteyn la’aanta waqtiga hurdada, waxyaabaha kiciya jirka sida qaxwaha, cabitaanada awoodda keena, saacadaha lagu kaco iyo iftiinka maalinti ayaa ah waxyaabo dhammaan wax ka badala wareegga loo yaqaano saacadda jirka.
Ururka hurdada Mareykanka oo ah urur gargaar oo deggan Virginia ayaa sheegaya in nolosha shaqsiyadeed ee qofka ay fure u tahay fahamka baahida hurdo inkastoo ay jiraan talooyin badan iyadoo la fiirinayo inta aad jirto.
Caruurta marka ay dhashaan ilaa 3 bilood ayey tahay inay hurdaan inta u dhaxeysa 14 ilaa 17 saacadood maalin kasta. Waxaa kaloo la sheegayaa in 11 ilaa 13 saacadood ay ku filan tahay. Laguma taliyo in wax ka badan 19 saacadood uu jiifo cunugga.
Caruurta u dhaxeysa 4 ilaa 11 bilood ayey tahay inay hurdaan 12 ilaa 15 saacadood. Saacadda ugu yar oo ay tahay inay hurdaan ayaa ah 10 saacadood, mana ahan inay hurdaan wax ka badan 18 saacadood.
Hal ilaa labo jir caruurta ahna, waa inay hurdaan inta u dhaxeysa 11 ilaa 14 saacadood, waana hurdi karaan 9 ilaa 16 saacadood.
Kuwa ka yar da’ada dugsiyada oo jira 3 ilaa 5 sano ayey tahay inay hurdaan 10 ilaa 13 saacadood. In ka yar 8 saacadood ama ka badan 14 saacadood ma haboona inay hurdaan.
Caruurta dugsiyda ku jira oo u dhaxeeya 6 ilaa 13 sano ayaa lagu taliyay inay hurdaan 9 ilaa 11 saacadood. Wixii ka yar 7 saacadood ama ka badan 12 uma wanaagsana caafimaadkooda.
Kuwa jira 14 ilaa 17 waxaa lagu taliyaa inay hurdaan 8 ilaa 10 saacadood, waxaana laga digay hurdada 11 saac ka badan iyo midda ka yar 7 saacadood.
Dhalinyarada da’adoodu u dhexeysa 18 ilaa 25 ayey tahay inay hurdaan inta u dhaxeysa 7 ilaa 9 saacadood balse wixii ka yar 6 ama ka badan 11 ayeysan habooneyn.
Dadka waaweyn ee u dhexeeya 26 ilaa 64 ayaa iyana la mid ah dhalinyarada halka kuwa jira 65 iyo wixii ka weyn ay caafimaad u tahay inay hurdaan 7 ilaa 8 saacadood maalinkii. Waxaana lagu taliyay inaysan hurdin wax ka yar 5 saacadood ama ka badan 9 saacadood.
Qubarada hurdada ee ururka NSF ayaa daabacay talooyin dhowr ah oo kor loogu qaadayo tayada hurdada. Waxaana ka mid ah in ugu horeyn laga dhigo midda ugu horeysa hurada. Talooyinkooda waxaa ka mid ah:
In la joogteeyo jadwalka hurdada xitaa hadii ay tahay maalmaha fasaxa.
In la sameeyo waqti sariirta lagu nasto.
In la hubiyo heerkulka, dhawaaqa iyo iftiinka qolka jiifka.
In lagu hurdo joodari iyo barkin raaxo ah.
Ka fogow waxa hurdada xada sida waxa jirka kiciya.
Iska dami qalabka elektaroonikada ka hor jiifka.

SHEEKO YAABLEH!!!!! (Aqriso Adiga ayaa qosli doonee)

Nin aanu wada shaqayn jirnay oo xaas leh ayaa gabdhaha kale telefoonadooda markuu save-garaynayo wuxuu magacyo uga dhigi jiray magacyada hay’adaha si aanay xaaskiisuu fahmin marka ay telefoonkiisa baadh baadhayso.
Telefoonkiisa hadaad eegto waxaa ku jira magacyada hay’adaha dalka jooga oo dhan UNDP, WFP, UNICEF, SAVE THE CHILDREN, IOM, DRC, DDG, HALO TRUST, UNHCR. Wuxuu ku leeyahay maanta dhan haday isoo wacayaan xaaskaygu ma shakido oo waxay moodaa qolooyinkii wada shaqayntu naga dhexeysay.
Mararka qaarkood iyadoo gacanta ku haysa ayuu soo dhacaa markaasay ula soo carartaa isagoo labisanaya oo tidhaahdaa “xabiibi IOM baa ku soo garaacday.” Markaasuu yidhaahdaa keen keen xabiibi waaba iyaga qolada aan caawa shirka kula leeyahay Maansoor Hotel.
” IOM wuxuu u bixin jiray dumarka qurbaha ka yimid.Gabdhaha dabeecadda xun wuxuu u bixin jiray HALO TRUST (hay’adda miinadda). Hablaha yar yar ee suuqa ku cusubna wuxuu u bixin jiray Save the Children.
Waxaan weydiiyey oo tan aad WFP u bixisay maxaad ugu bixisay? Wuxuu yidhi habeen baan Safari Hotel u casho geeyey markaasay dalbatay laba digaag ah iyo baastadoodii oo jibisna la socoto. Intii cashada la soo wadayna waxay isku dhuuqday maraq cashada laga soo horaysiiyey iyo afar midh oo roodhi ah oo kuus kuusan. Markaasay markii cashada la soo dhigayna tidhi “Alla hoogay soo aniga is ilaaway, huuno maad i qabatid maraqa waan necebahaye.
” Wuxuu yidhi habeenka aan raboinaan WFP aroos u raaco ama ay Save the Children house party igu soo casuunto, xaaskayga aroornimada ayaan ku idhaahdaa xabiibi maanta safar shaqo (field) ayaan Save the Children u raacayaa ee cashada ha iigu tala galin waan soo daahayaaye. Ama waxaan odhan jiray WFP raashin ay qaybinayso ayaan kormeer ku soo samaynayaa ee caawa ha i sugine iska seexo. KkkkkKkkkkkkk
Xigasho :Fatima Gaashaan

Saturday, April 18, 2015

Somalia oo Beegsaneysa ka Qeyb galka Koobka Qaramada Africa ee 2019-ka


Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Dadlkeena Adbiqani Said Arab ayaa Rajo Wanaagsan ka muujiyey in Soomaaliya ay ka qeyb Geleyso Koobka Qaramada Africa Sanadka 2019 soona Xireyso ka Maqnaanshaheeda Koobka tan iyo 1974 oo aysan Caga soo Dhigin dhulka lagu Ciyaarayo.
Kaliya waxaa ay Soomaaliya soo Gashay Koobka Qaramada Africa, Xilligaas oo ahaa markii uu Dalku Nandoonaa, hadda Koobka Qabsoomaya ayey Soomaaliya uga Hartay in aysan laheyn Dal ay dhankeeda ku Marti qaadi Karto Xul kale oo Garoomadii uu Dalku lahaa ma dhisna, Eritrea ayaa ah Xulka Labaad ee ka maqan Koobka Africa ee Sanadka 2017-ka ka dhacaya Gabon.
Xiriirka CAF ee Qaaradda Africa dhanka Kubadda Cagta u qaabilsan ayaa sheegay in aysan Somalia iyo Eritrea ka qeyb qaadan Karin Tartanka.
Abdiqani ayaa sheegay in ay Sameyn doonaan Garoomo Cusub iyo kuwii dhisnaa oo dib loo Hagaajin doono, Wixii ka Dambeeya Sanadkan ayuu sheegay in ay Garoomaddaas diyaarin doonaan, Dalkuna waxaa uu soo Geli doonaa ayuu yiri Dhamaadka Tobankan Sano ee lagu Jiro Tartanka.

Wednesday, April 15, 2015