Sunday, April 19, 2015

akhlaaqeey-inoo-soo-noqo-

Ummad kastaahi waxeey leedahay qaab ay nolosheeda u maamulato, isula xiriirto, danaheeda ku gaadho, wax kastana ku wajahdo. Qowmiyadeenna Soomaalidu
sida guud, waa dad run ahaantii sanji iyo isir fiican ka soo jeedda, oo ka awoow ka awoow lahayd qaabab ay nolosheeda u maamulato.
Ma ahan wax wanaagsan in masiirka dadka Soomaaliyeed oo dhan lagu saleeyo rubuc qarni ay masiibo rabbaani ahi heshay, ee waa in loo xagliyo wanaaggooda iyo daruufahooda, loona xooriyo danahooda.
Haddaba dunida casriga ahi waxaa ku soo kordhay awood iminka kuba dhow in ay noqoto mid iskeed u taagan oo darawaleynta nolosha aadanaha oo dhami lagu aamino, waana awoodda tignooloojiyadda casriga ah.
Waxaay kuu sahleysaa mirir gudihiis wax badan oo aadan ku qaban kari lahayn sannaddo, bilo iyo toddobaadyo, dunidii oo dhan ayaa isku shubtay oo faraqa u gelisay waxeey xog iyo sir lahayd.
Siyaabo kala duwan ayaa loo adeegsadaa, aqoonta, caafimaadka, baaritaanka howlaha sirdoonka, habsami u maamulidda heyadda, iyo siyaabo kale oo badan.
Tan kale oon meesha ka marneyni waa iyada oo dunidii oo dhami ka dhigtay, wax koob qur ah ku wada jira, oo sahal isu gaaraya, adoo Yurub ku nool baad reerkiinnii oo Africa dacal ka deggan sahal kula xiriireysaa.
Adoo dhulkii hooya jooga baad laxankaaga oo Awstreeliya deggan codkiinnu is gaarayaa, intaas waxaa dheer, bogagga xiriirka bulshada oo ka mid ah qeybaha tignooloojiyada ugu muhiimsani in eey  maalin kasta soo badanayaan, siyaabo kala duwan ayaana looga faa’iidaystaay iyaga oo qur ahi, weliba markaad aad ugu sii kuurgasho runtii ciddii rabta in eey wax wanaagsan ka qabsato, aad beey ugu dhowdahay.
Laakiin haddaannu isu dhab hadalno, badankeen dadkeenna Soomaalida ahi Social Media-hii waxaannu ku noqonnay DABBAAL DABA ARKAY! sideey tahayna ugama faa’iidaysanno, dambi, husmi iyo qabyalaaddana waa ku faafinaa, xumaha aannu isku yeeli karno fool-ka-fool mid ka qota dheer baannu isku dhex yeelnaa, intaas waxaa dheer, rag iyo dumar kulligood wada jinsi doon ah, oo aad mooddo in qasabado laga soo furay ayaa ku soo yaacay, oo ma la qabaa, xaas ma tahay, ma duq-baa, ma hooyo carruur dhameysaa, horta nin ma rabtaa, aan lahayba.
Dhanka kale waxa dhibbani ma ahan haweenka (gabar iyo garoobba leh) ee waxaa dhib intaas u dhigma iyana ku qaba raga qaar, oo iyagana gabdho iyo haween da’ ah intaba isaga tag waayey, iyagana aan la dhaheynin boos ma ka bannaan yahayba mise afartii diintu u bannaysayba amaba jagaba waa ka buuxdaa.
Bal haddee waxaa tol iyo ummad wada dhalatay Lagu yahay in la is turxaan bixiyee, meeyey akhlaaqdeennii aannu caanka ku ahayn?
Maxaa ka khaldan qolyahaan inaga midka ahi ee u heysta waxa qalqi ah ee meesha u jiraba in eey nimandoon iyo naago doon wada yihiin?
War heedhe xaajadu sidaas maahee, bal aannu dib u miliilicno, oo inta cagaha dhulka inoo dhigtiin, sheekooyinka qaar meel laga bilaabaa jirtee meelahaa aannu ka abbaarno, haddaad aragto in aad soo qaldantayna cuqdo ha u qaadin qofkee aayar iska tag, oo iska tartiibso, meeshu waa bog xiriir bulsho, duniduna diimiqoraaddi weeyaane qasab ma jiree.
Aan ku sii daree, taleefoonnada free-ga ah ee Viberka, kan Facebook laga soo dhex waco iyo wixii la halmaalana, ayaa iyagana dhib inteeda wadata la yimid.
Soow ma habboona inta aadan qofka wicin in aad eegto waqtiga dalka uu ku nool yahay, ileyn dunidii oo dhan baannu ku kala fidsan nahay, oo ilaa iyo cirrifka waqooyi Soomaali deggan baa laga sheegee?
Soow ma haboona in aannu iska deyno  sacad kasta wicista haddaad qofkii heshana xitaa aan muraadkuba dhaafsiisneyn ISKA WARRANTA, IYO SI KALEDA, MA LAGU QABAADA, Middaad garoobnimo ku ogeyda MA GUURSATADA?
Waxaa dhacda in hurdada la isaga salaliyo saq dhexe, waxaan horey ku soo sheegay iyo wax ka sii macna hooseeya.
Aanba ku noq-noqdee Soomaali haddaannu nahay dhaqan baannu leennahay asluubtii oo dhamina dhaqankeennaas iyo diinta muqaddaska ah ee anu amiinsannahay  ayeey ku urursan tahay kuna dhan tahay, haddaannu kaas ilaashino isagaa wax kasta innaga kaafinaya,
Awoowayaasheen miyi iyo magaalo waxey sameyn jireen markeey guurdoon yihiin, ama ay rabaan in eey gabar ama carmal (garoob) oogaadaan in la qabo iyo in kale, dee xiligoodii in kastoo aannuu teleefoona jirin balse si kaleen wax ku dabaran jireen.
Adiga marka kaama kaafiso taleefoon xun oo aad qofkii aad gaadniinka ugu jirtay aad raaxadda kaga qaadee, waa la soo daraasadeeyaa dee, sidii awoowayaasheenba yeeli jireen, markaasaa aayar loola yimaad sheeko yaroo soconeysa.
Tan kale adoo toban sanno jira sideey ugu tiraahdaa, hoyadaa oo kale ama qof dumar ahoo kuba dhali karta, MA LAGU QABAA? Aaway akhlaaqdii? Macquulba maahane bal taana aannu iska saxno weey innaga yara qalloocan tahaye.
Salaanta ayaa iyadana waqtiyadeedu dhibi innaga heysataa, oo  xili ay munaasab tahaa jirtee soow ma ahan in aannu u meel dayno wicista, oo qofkoo soo jeeda, shaqana aan lahayn aannu ku aadinno, qoraal yar baad u diri kartaa qofka ileyn waa inagga waxa casrigaas mareynee, intaasana kaaga filan ood  tiraahdo MA HADLI KARTAA WALAAL IN AAN KULA HADLAAN U BAAHANAHAYE! Dadka aan ka hadlayaahi kuma jiraan inta ay goor walba wicistu ka dhaxeyso, laakiin waa salaamaha iska fiidmeerta ah ee iska soo duula uun, iyadoon dan weyn oo buurran oo dabada ka riixeysana aan wadan.
Hadde laba waxba kama dhexeeyaane, in aannu bi’ni aadan nahay oo aannu u dhaqanno sidii dad garaadkoodu dhan yahay iyo in aannu ahaano dad iska nool laakiin jahaduba ka maqan tahay, ee bal soomaliyeed aannu ogaano in qofka ood taleefoon hurada kala salalalisaahi ay la mid tahay adoo duhur iyo xilli xun oon dadka la booqan gurigiisa u garaacday oo kale. Waana waajib diini ah in aad ilaaliso xilliyadaad dadka booqaneyso.
Waxaa iyadana marag ma doonta ah, in aannu ilaalinno akhalaaqdeenna guud ee bulsho, waxaa ku xiran in aannu isfaham ballaaran oo dhexdeenna ah helno.

w-q-aamina-muuse-weheliye

No comments:

Post a Comment