Wednesday, April 15, 2015

Waxaan u hambalyeynayaa militeriga Soomaaliya oo u dabbaaldegaya sannadguuradooda oo ku beegan maanta 12 Abriil.

Ciidanka oo hadda mushaarkooda aan joogta u helin, daryeel kalena uu iska kooban yahay, haddana waa naftood hurayaal u taagan daafaca dadka iyo dalka Soomaaliya maalin iyo habeen.

Aniga oo ku faxarsan waxaan sawirkiisa soo bandhigay AUN aabbahay Shiikh Cumar Axmed Amiin oo ka mid ah raggii militeriga soo dhisay. Wuxuu ka tirsanaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan wixii beri la oran jiray ururka 8aad ee Gawaarida Gaashaaman oo loola jeedo dabbaabadaha. Tirsiga uu uga jiro militeriga Soomaaliya waa 98.

Xeryaha militeri ee uu ka tirsanaan jiray waxaa ka mid ah 3 ku yaalla Xamar iyo Xamar-Daye - waa Xalane oo la dhihi jiray Bootiko, meesha hadda dekedda ah oo ay ku taallay xero la yiraahdo RAG iyo xero ku taallay Gubadley oo dabridna ay ku sameyn jireen. Waxaa kale oo uu ka shaqeeyay xerada militeriga ee Buulo Burte oo aagga dabridkeeduna uu ahaa buurta Gaala-ka-roor iyo xerada Lama-Galaaay ee Beled Weyne.

Waxaan u hambalyeynayaa isaga iyo ragga kale ee u kacay difaaca dalkeenna berigii xornimada, gaarayna heer dal waliba oo cududdaas oo kale lihi uu ku faani lahaa. Waxaa kale oo aan u hambalyeynayaa ragga maanta u taagan in ciidankeennu uu gaaro in uu si buuxda u hanto daafaca dalka cir, bad iyo berriba. Waxaan leeyahay hambalyo. Ilaaheey ha idinka siiyo abaal.

No comments:

Post a Comment