Wednesday, April 15, 2015

PSG v Barcelona iyo Barka oo taxaddar ugu jirta Guul darro kale oo ka soo gaarta Paariis



Kaliya labo dhibcood ayaa kala saartay wareegii group-yada, waxaana la filayaa isku dhawaansho sidaas oo kale ah marka ay Paris Saint-Germain iyo FC Barcelona ay u tartamayaan booskooda semi-finalka Champions League.
Labada kooxood ee ka dhisan Faransiiska iyo Spain ayaa markii seddexaad is arkaya caawa, iyadoo kooxda afarta jeer ku guuleysatay Champions League ay dooneyso inay ka fogaato guuldarro kale oo ku soo gaarta caasimada Faransiiska.
PSG ayaa guul caan ah ka gaartay kulankii labaad ee wareega group-yada kooxda Barcelona markii David Luiz uu furay goolasha. Inkastoo uu Lionel Messi jawaab ka bixiyay islamarkiiba hadana Marco Verratti ayaa ka dhigay ciyaarta 2-1 ka hor inta aysan Blaise Matuidi iyo Neymar goolal isdhaafsanin.
Kulankii Camp Nou ee wareegayada ee labadaan kooxood, kooxda Calatans ayaa ku dhameysatay kaalinta koowaad ee Group F ka dib markii ay 3-1 ku badiyeen. Ka dib markii Zlatan Ibrahimovic uu goolasha furay, Messi, Neymar iyo Suarez ayaa ka jawaab celiyay.
Waa markii seddexaad oo labadaan kooxood ay ku kulmayaan wareega 8da Champions League. Xilli ciyaareedkii 2012-13 Barcelona ayaa sharciga goolasha martida ku garaacday PSG ka dib markii ay barbaro 2-2 ku galeen Parc des Princes iyo barbaro 1-1 ah Camp Nou.

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda ka dhisan caasimada Faransiiska waxa ay si weyn u tabi doonaan seddex xiddig oo muhim u ah oo ganaax kaga maqan kuwasoo kala ah Ibrahimovic, Marco Verratti iyo Aurier, halka Thiago Motta uu dhaawac yahay. David Luiz oo la filayay inuu kulankaan dhaawac ku seego ayaa shalayto si lama filaan ah loogu daray kooxda wajaheysa Barcelona inkastoo aan la fileynin in lagu soo bilaabo.
Dhanka kooxda Barcelona waxaa ganaax kaga maqan Dani Alves halka Thomas Vermaelen oo uu weli dhaawac ku maqan yahay.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Paris: Sirigu; Van der Wiel, Marquinhos, Thiago Silva, Maxwell; Rabiot, Cabaye, Matuidi; Lavezzi, Cavani, Pastore.
Barcelona: Ter Stegen; Bartra, Piqué, Mascherano, Alba; Rakitić, Busquets Iniesta; Suárez, Messi, Neymar

No comments:

Post a Comment